Maxay Tahay Wasaaradda Doqon Ma Waydo ( abdi-Shotaly).
Waxa uu "af-dulaaq"hadaba uu isku deyey, in uu xanibo mareeagaha qaar, oo ay yidhaahaan haddii aydin hebel soo daysaan maqaaladiisa waa la idinka xidhayaa, balse ma oga in aanay mareegina ka masuul ahayn, maqaaladda loo soo diro ee uu qofka qorey, ka mansuul yahay dul iyo hoos, sidda aniga oo ah ( abdi-shotaly). malaha dadka waxay moodayaan sidoodda in ay dhego xidhan yihiin, ama afrta weriye ee u shaqeeya mareegaha ee Hargaysa jooga in uu xidhi-xidhi karo, waxan leeyahay "Af-dulaaqaw" marna taagtaa marna tamartaa, isku taamo aniga hay tudhin, ee bal waxad hayso gantaal iyo madaafiic igu soo daa. Balan waxan kuugu qaaday in aad raaf-kaad dhaqaaji-saanba, aan ummadda u soo ban-dhigo, oo aad jiif iyo joog-ba diido, hunyaw aan karka-raayey.
Waxa la yidhi " Doqni ilaa la damqo kuma dayso" ee ummaddii soo jeeesatay, dulqaad-kiina wuu ka dhamaaday, Waxan ku soo af meeray qoraalkan. Illaah haw naxariisto'e abawaan Qaasim baa wuxu maanso tiriyey " Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dad loo qabaye", waxan u soo qaatay, ma dheera goorta la idinka soo qaban doono qoorta, ee la idin odan doono xadhigeedda sii daaya, way idin eedaye, nabsigu waa daruuraha cirka iyo dabayshaas daqiiqad walba is bedelaaya, sidaa awgeed dhiil-kiinii wuu buuxsamay, oo wuxu ka daatay hareeraha, waxa idiin hadhay oo keliya intuu foorar-sanaayey. maanta wax dambe oo aad u sheegaysaan shacabka daacadda ah ma jirto oo way idiin dhamaatay. ma jiro hadal la is yidhaahaa, oo waa taas dabadda jeedisay, yuug iyo yamaayuug ooman, oo wax ay xeerinayaan jirin, wax kala xad mooyaane, in aad tihiin baa laga soo hor iyo dabaka wareegay, cid aad cabdhuin kartaana ma jirto, oo la hubsay oo gorayo haad noqotay, waxan ugu dambayn idinku soo xidhay, inta goori-goor tahay ka maleegta, birtaa idin saran wixii imika ka dambeeya'e.
* N.B Doqni IIaa La Damqo kuma dayso!
Qore:- Abdi-shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!