Nabad Caddaalad Baa Lagu Nuugaa
Waxa
ay noqotay markastoo masuul dawlada Kulmiye ahi hadlo in uu weedho
dhiilo, xajiimayn, meel ka dhac, masuul daro iyo xumayn qayaxan oo ku
aadan dad gaar ah ku hadlo.
Kaga
soo bilow dhacdadii ina Geele iyo JABUUTI waakii Af hayeenkii
madaxtooyada qaranka Somaliland wuxuu ku hadlay aynu ogayn, wuxuu
ugaystay muwaadinka deelqaafka iyo meel kaga dhaca uu xaqiisii
muwaadanimo meesha ka saaray ee ka dhigay eedaysane aduunka soo dhacay,
weyna ogayn wixii indho la'aan iyo aqoon la'aan Kulmiye iska kaashaday
ee xaashida ku duugnayd uu akhriyaayey masuulkaasi.
Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa isna laga hayaa Dulqaadku waa nacasnimo!.
Waxa
jiray in isna wasiirka warfaafinta qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu
siddii dhiil ciir lagu lulaayey barqo kulul lingaxa goostay ee u
af-furmay ee yidhi Caare waa Xisbiga wadani iyo Hadalo laga yaxyaxay ku
hadlay iyo waxay ciddii maqashaba cadho geliyey, waxa xiktay deelqaafkii
qayaxnaa iyo masuul daradii uu ku hadlay taliyaha ciidamada milatariga
qaranka Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo aanad moodahayn inuu yahay
masuul qaran u Hadal ruux asaasaq haleeley, howshii qaranka loo
igmadayna qiray inuu ku fashilmay, kol haduu yidhi meesha ciidan kumaan
hayne rag meel iska jooga ayaa mushahar iska siin jiray, Takale Taani
Markuu leeyey askariga Badhan joogaa waxba ma qabto ee mushaharkuu
qaataa, askariga askarigiisa jooga Gabilay malaha isagu magaaladiisuu
jooga, yaan joogin tiisii nacal asaf!, tuuleeyey wixii tagayaa hatago,
Taaniyow nina dhulkiisa ka tegimaayo se adaa xilka ka tagaaya,
Takale Jananku ma Markuu maqlay Caare inuu janan noqday ayuu kala wareegay, waayo xaajo waanwaan Waayeel Dhaqameed iyo mufti wax garad ah ergadeeda wadeen oo markii ay xaaajadii gudbiyeen gudoonkii madaxweynaha iyagoo sugaaya taani waakan dhooqooyey baligii nabada loo qoday, Mar haddii muwaadinka uu sifaha sharciga baal marsan ku sifeeyey taliyuhu markii xilka loo magacaabay muu o dhan waa danbiile (waa dhagar Qabe) odhan maynee, oo markii uu puntiland tagay muu odhan waa danbiile soo qabta, oo Markuu buuraha galay muu odhan waadanbiile, se iminkoo Afka madaxweynaha la naawilaayey Maxaa keenay inuu Nuux Taani Waxan yidhaa?
Waa
meel Illaahay wax ka wadee Odayaashii dhaqanka ee madaxyo weynta ahaa
ayaa siddii kuray macawiso iyo cumaamado loo xidhay dhan walba u
wadhfiyey, markii dhawaaqa taani gaadhay halkii ay ugu caqli celin
lahaayeen ayey cumaamadihii iska daadiyeen, iyagaa sheeganaayey Madax
dhaqameedada aan dhicin ee Illaahay bixiyo illaahayna Qaado, se in
taliye ciidan oo la bedelo ay isku odhaah dhigtaan, una jawaab celiyaan
hadalada la midka ah kii taliyaha ama u dhigma, waayo in suldaan,
caaqil, garaad, ugaas iyo nabadoonba yidhaahdo maaha Hadduu siddaa u
hadlay anakuna si kadaran baanu yeeli Af masuul dhaqan oo cumaamadan
maaha waana qalad.
Madax
Dhaqameedku waa inay nabada ay darafka hayaan ee lawada hayo dacalkooda
xejiyaan oo giijiyaan, colaadna in la iclaamiyaa waa ayaan daro waayo
reer Somaliland geedka ayey xaajo ku xalin jireen yaa geedka ka
fiigaaya?.
Nabadu waa waxa Somaliland ku caano maashay, shacabku wuu soo arkay colaad iyo dagaal wuxuu yahay, Nabad ilaahay lagu mahadiyana wey heystaan u malayn maayo in ruux caqli qabaa Nabad colaad ku doorsanaayo, laakiin caddaalad daradu xasilooni daro ayey keentaa, caddaalada ilaahay baa caadil ahe dowladaa ka masuula, hadii dawladii caddaalad daro iyo deel qaaf dadkii iskugu darto soo nabadii ceel ku ridimaayaan, Hadal iyo dhamaan Nabadu waa Kunoolaanshaha Nolosha rasmiga ah ee raasamaalka leh ee jiilba jiil usii gudbiyo hidaha una sii dhiibo dhaqanka duugiisa, se Hubaal Nabad Caddaalad baa lagu Nuugaa ee Xukuumadu caddaalad ha ogaato.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland.
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!