Talo Ku Socota Ardayda Qalinjebinaysa iyo Waxay kale Kulmayaan Hadalada Siyaasiyiinta.
Ugu horrayn, madaxweynaha Jaamacaddu waxa uu idiin sheegi doonaa intan, "Dhammaantiin istaaga,
Maanta oo bishu tahay 29, ogoos, 2019, markii
guddida jaamacada, iyo dhammaan horjoogayaasha kulliyaduhu ay eegeen
shuruucda jaamacadda u taala, waxay ku qanceen in aad maanta
qalinjebiseen--oo aad buuxiseen shuruudihii qalinjebita, dhammaantiin
waxaan idin leeyahay hambalyo, hambalyo hambalyo". Warkaasi waa warka
ugu fiican ee aad maqli dontaan intaad xarunta qalinjebinta fadhidaan.
Intaas kadib waxaa bilaabmi doona tirsiga iyo wararka dhiilada leh ee
ay is-waydaarsan doonaan nimanka Somaliland xilalka ka haya iyo kuwa u
soo mici dhabanayaa. Waxaa dhegahiina sida danabka dhexqaadi doona
hadalo aan loo meeldeyin oo xukuumaddu si' badheedha idiinku sheego
doonto in aanay waxba idiin haynin. Waxaa idinka hor daldalmi doona
madaxweynaha Somaliland, Muse Bixi. Isaga oo ku fashilmay hoggaaminta
waddanka iyo ilaalinta nabadgelyada, waxa uu munaasibaddiina ku hafin
doonaa hadalo siyaasadeed oo aan idinka waxba idiinka cabbin. Waxa uu
idinka hor sheegi doonaa hadalo uu ka xishooday xilligii uu madaxtooyada
dhexjoogay in uu warbaahinta ka tebiyo. Iyana waxaa la wareegi doona
siyaasiyiin mucaarid sheegta oo ka faa'iidaysanaya warbaahintan bilaa
qarashka ah iyo madashan cammiran. Xukuumadda iyo mucaaridkuba waxay
sida bullaacadda idin ka wasakhayn doonaana maskaxda wanaagsan ee aad la
soo kallahdeen.
Munaasabaddii kal hore, 2018. Waxay ahayd munaasibaddaydii, waxay ahayd
maalintaydii, balse, sidii wax waliba ugu socdeen si' wanaag iyo
farxadi ku jirto waxaa hadalo aanan u bogin meesha la soo galay laba
masuul, waa Buunigii UCID masuulka ka ahaa iyo Madaxweyne, Muse.
Labadooduba hadalo wanaagsan mayjeedin oo aan ka ahayn hadalo ay ka
muuqato jeesjees.
Ugu danbayn, qofkasta oo berri jooga Xafladda Qalinjebinta waxaan kula
talin lahaa in uu niyad ahaan is-dejiyo oo aanu u fiirsan hadalada
waxashnimada ah ee ka soo buxtaaci doona xukuumadda oo dhinac ah iyo
mucaaridka oo dhinac ah. Xilli kasta waayahiisa leh. Halkii aad uga
kallahdeen farxad, dabbaal deg iyo maalin bilan oo boqran, waxaa idinka
hor imaan doona hadallo aydaan jeclaysanayn. Waxaa idin ku hor hunqaaci
doona shakhsiyaad wanaagiina iyo waxtarkiina aan jeclayn weligoodna aan
dadaalkiina waxba ku darsan. Hadaladaasi waxay maskaxdiina ku reebi
doonaan dhaawac aydaan ugu talo gelin. Idinkoo farxad kusoo toosay ayaa
dib laydinku celin doonaa siyaasadda rifanka iyo lisanka ah ee sii
saqiiraysa.
Sadam Osman Kaabash
Biomedical Scientist
Hargeisa, Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...