Komiishanka Maamul Wanaag Iyo La Dagaalanka Musuq-Maasuqa Oo Tababar Loo Furay.

0
Saturday March 16, 2019 - 16:01:01 in News by
  • Visits: 1661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komiishanka Maamul Wanaag Iyo La Dagaalanka Musuq-Maasuqa Oo Tababar Loo Furay.

    Halkan Kaga Boggo Warka Oo Dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Kaga Boggo Warka Oo Dhan


Hargaysa(HWN)Komiishkanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq-Maasuqa Ayaa Maanta tobabar kor loogu qaadayo Aqoonta Shaqaalaha Kala Duwan looga Furay Magaaladda Hargaysa,waxaana kulankan Aqoon Korodhsiga ah bixinayay Waayeel.


Tobabarkan ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiye Ku Xigeenka Komiishkan Maamul Wanaaga Liibaan Ismaaciil Cabdulaahi,Agaasimaha Komiishank,Shaqaalaha Iyo Xubnaha Komiishka,waxaana shaqaalaha lagu tababaray sida ay Haay’addaha Dawladda ula Xisaabtami Lahayeen.



Guddoomiye ku Xigeenka Komiishanka Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa tilmaamay in Komiishankan Loo unkay inay si buuxda uga masuul ahaato abuurida maamulka wanaagsan kana Hortagaan Waxa kasta Oo Musuq Iyo Wax Isdaba Marin Ku Keeni Kara Maamulka Wanaagsan.


"Inagu waxa aynu nahay komiishankii maamul wanaaga waxaynu u taaganahay oo aynu astaan u nahay qarankeena 28 jirsaday maamul wanaaga uu ku soo caano maalay aanu u gaadhsiin lahayn meel ka saraysa oo uu u noqon lahaa qaramadda dunida mid la tartama oo kaalinta uu qaranka ku leeyahay buuxiya.


Intaas waxa uu ku daray guddoomiye ku xigeenka Komiishanka Maamul Wanaag isaga oo hadalkiisa siiwata.”Tababarkan waxa aynu maanta u furaynaa in Ka shaqaala iyo Agaasime Waaxeedyaba maamul wanaag guud cida loo baahan yahay in ay hormuud u noqoto oo haay’addaha kala duwan ee Dawladdana Tababarto tayayso,tilmaamto korna u qaado waa idinka,markaas idinkuna waxa muhiim noqotay tababaradda ay helaan shaqaalaha dawladu idinkuna waa inaad heshaan mid ka siibadan waayo markaas ayaa wax tayayn kartaan,toosin kartaa oo aad sixi kartaan idinka oo waliba xambaari kara ujeedada komiishanka loo aas-aasay.


Guddoomiye liibaan ayaa sheegay in tababarka ay Maanta halkan ku qaadanayaan komiishanka maamul wanaagu uu loo baahan yahay in dhamaan la gaadhsiiyo waaxaha qaranka somaliland ka kooban yahay si iyana loo tayeeyo maamul wanaagooda looga wacdiyo sidii aan u samayn lahayn wax ka horimanaya maamul wanaaga iyo dariiqa toosan.


Agaasimaha Komiishanka Maamul wanaag Mudane Maxamed Aadan ayaa isaguna tilmaamay in casharadda halka ka baxaya looga baahan yahay in shaqaalaha komiishanku ay Dhug U Yeeshaan si ay shaqadooda u adeegsida bulshadda ee laga dhisayo xaga maamul wanaaga ay hadhow ugu daba-qaan.


Guddoomiyaha Waayeel ayaa isaguna sheegay in tababarkan ay bixinayaan ay ku dabiqi doonaan hawlaha komiishanka loo igmaday iyo sida ugu haboon ee ay ku gaadhsiin karaa meelaha looga baahan yahay in gaadhsiiyaan.


Tan iyo Intii Komiishanka Cusub ee Maamul wanaaga madaxwaynaha somaliland soo magacaabay golaha wakiiladuna Ansixiyeen waxa ay bilaabeen dardar ay ugu kuur galayaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen maamul wanaaga.


Loading...
Loading...