WAY INA DAYACEEN !!! W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare

0
Thursday August 29, 2019 - 19:57:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAY INA DAYACEEN !!! W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare

    Waddan kasta oo aduunka kamid ahi waxa uu leeyahay waax ama Ha'ayad loo yaqaan Ha'ayadda saadaasha cimilada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddan kasta oo aduunka kamid ahi waxa uu leeyahay waax ama Ha'ayad loo yaqaan Ha'ayadda saadaasha cimilada,
Ha'ayadaas oo hoos tagta wasaaradda deegaanku waxay maamushaa oo waa'a kasta oo berya umadooda usoo bandhigtaa heerka cimilada maalinlaha ah, iyadoo digniino siisa maalmaha roobabka waaweyni di doonaan, Bulashaduna markaas kadib ayey ka gaashaantaan oo kasii hortagaan, subixii marka aad gurigaaga kasoo baxayso waxaad helaysaa fariin kaaga timi Ha'ayadan oo ku faraysa wixii aad maanta yeeli lahayd si aad uga gaashaamato cimilada maalintaas, tusaale ahaan hadii uu roob tiix ahi jiro waxay ku odhanaysaa "Fadlan dalaayada ha ilaabin", hadii qabow ama baraf da'aayo waxay ku odhanaysaa "Fadlan dhar adag gasho", Hadii dabaylo jiraan waxay ku odhanaysaa "Fadlan gaadhi qaado".


Bal hadaba inaga ka warama, waxaa Hal mar Ina qaybsanaaya roobab waaweyn oo qaarkood dabaylo wataan, dadkeenii danyarta ahaa iyo suuqleydii maxaa u dambeynaaya?, Waxaad arkaysaa dooxyo waaweyn oo xanibaaya baabuur badan oo iskusocodka magaalooyinka qayb ka ahaa, hadii losii sheegi lahaa dhibtaasi may dhacdeen, Dhibta roobabka iyo abaaraha inaga qabsadaa illahay kasokow waa dayacnaan Dawlada dhankeeda ah, waa waxqabad la'aan iyo hadal macaan oo la iskugu keendaray. Sanad kasta biyo xadigooda illahay uu ogtahay ayaa ku darsama badaha iyagoo aan Hal litir ookamid ah laga reebin, miyaanay nusqaan inugu ahayn qaran jira oo aan Hal litir diixayada dalkooda ka reeban karin, meeday wasaaradii kushaqada lahayd, Maxay saadaasha sanadka dambe ugu Dari weyday qorshaheeda, beri kamaalina biyahaas aan xadiga lahayn waynu ka oomanahay oo Hargeysa gudaheeda ayaa ka ooman, hadal bil kabacdina waa macaluul iyo gaajo iyo halanalasoo caawiyo, Bal kawaran xalada noocaas ah miyaanay ahayn "Waxna ha uqaban qawda maqashii".

Tan saadaasha roobabka iyo Dhibta suuqleyda aan kusoo noqodo, Hooyo Soo kalahaday oo cadceeda fadhida oo aan haysan dhisme ay dhaxanta, cadceeda iYo roobabaka ka gasho, oo dalad Yar oo jirqin ah hoos fadhida ayuu Hal mar qaybsanayaa roob xoogan oo aragti iyi qiyaas mooyaane aan sadaal iyo siduu yahay midna aan ka warhaynin, markaas buu ka qaadayaa wixii yaraa ee ay reer dhan iYo caruur dhan ku biilinaysay, halkaas ayey kaga dhaqaaqaysaa iyadoo faro madhan, Bal kawarama hadii subixii hore ee ay Soo shaqo gelaysay ay helilahayd fariin ugusoo dhacada mobilekeeda gacanta oo faahfaahin kasiinaysa sida ay maalintaas cimiladu noqon doonto si ay qorshaha ugu darsato, Hooyadaas oo keliya maaha ee waxaa fariimaha noocaas oo kale u baahan shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa laydhka si aanay dhibaato ugu noqon hawlmaalmeedka ay Bulshada u hayaan.

Lasoco qaybt 2aad
W/q: Xamse Bashe Wiyeer-yare

Hargeysa
Somaliland
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...