Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Oo Lagu Ammaanay Shaqada Ay Qaranka Uhayaan.

Garyaqaan Barkhad ayaa khudbad uu ujeediyay ardayda qalin jabinaysay maanta ku amaanay gudida qandaraasyada qaranka.
"Gudida qandaraasyada qaranku intii uu madaxwaynuhu magacaabay waxay
ushaqeeyaan sifiican, waanan hanbalyaynayaa” ayuu yidhi
Garyaqaan Barkhad ayaa sheegay in qandaraasyada ay bixiyaan gudida
qandaraasyadu macnahoogu yihiin in la dhisayo hay’adihii qaranka, waxaanu usoo
jeediyay in ardayda baratay Injineernimadu ay la taliyayaal unoqdaan gudida
qandaraasyada qaranka.
Gudida qandaraasyada qaranka ayaa intii ay shaqada ku jireen ammaan kala kulmay bulshada ay shaqada uhayaan, waxaana gudidan oo ubadan xubno dhalinyaro ah oo uu hormood uyahay Gudoomiye Nuux Maxamed Xuseen ay mudadii xafiiska ay joogeen ay qabteen shaqooyin Umihiima qaranka
Hadhwanaagnews
Hargaysa/Office.


0 





