Dunidaa Ayaamahan, Daabacii Dur Loo Rogay, Daacadaa Hungowdo, Daalinkaa Amaan Hela

0
Thursday August 29, 2019 - 16:12:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunidaa Ayaamahan, Daabacii Dur Loo Rogay, Daacadaa Hungowdo, Daalinkaa Amaan Hela

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB). SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

HADDAY CAANO DAATAAN,DABAQABO WIXI HADHAY,

CIIDAMADII DAREEREE,DALKOOOAY ISKA NACAYEE,

DUGSIGENI KALA FURAY,DIIDAY WADA JIRKEENII,

DAMEERIYO DADNIMO MA LEH,KUWASI INA DAAYE,

KU DARO KA DABA GEE,DALKA WIXII KU SOO HADHAY

KA DAR DIBI DHAL WEEYEE,DAN MIYAAD U GARATEEN,

DUQBA LOO TUMAA GEEL,DAR HADDUU KA MAAGOO,

LAMA DOOXO CEEBAHA,DABOOLKAA LA SAARAA,

DULQAADKA IYO SAMIRKII,DOQONIMO LAGU SHEEG,

DEREJAYNU SIINAA,HAWSHIISII MID DAAYACAY,

DULMIGAA CADAALAD AH,DANYARTAAN KU TUMANA,

NINKA DAACAY SUBAGAA,BADHI LOOGU DARAYAA,

DIBJIRKA LA XIDHAYAA,DIBIRKAA LA NAAXSHAA,

DUNIDAA AYAAMAHAN,DAABACII DUR LOO ROGAY,

DAACADAA HUNGOWDO,DAALINKAA AMAAN HELA,

MAXAAN KAGABA DAALA,QARANIMADA DURIGALAY.

      ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...