Dawlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn Ku Bilawday Maamulka Jubboland Iyo Amar La Dul Dhigay Kismaayo

0
Thursday August 29, 2019 - 16:09:01 in News by
  • Visits: 2857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn Ku Bilawday Maamulka Jubboland Iyo Amar La Dul Dhigay Kismaayo

    Dawlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn Ku Bilawday Maamulka Jubboland Iyo Amar La Dul Dhigay Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn Ku Bilawday Maamulka Jubboland Iyo Amar La Dul Dhigay Kismaayo


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa bilawday qorshe ay cunaqabatayn xoogan ku saarayso maamulka Jubboland oo mar kale hogaamintiisa loo doortay Axmed Madoobe oo aanay taageero ka haysan.

Related image


Go’aan ka soo baxay hay’adda duulista iyo saadaasha hawada ee dawlada Soomaaliya ayaa amaro culus lagu dul dhigay diyaaradaha tagaya iyo kuwa ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubboland.


Amarkan ayaa lagu sheegay in diyaarad kasta oo tagaysa ama ka imanaysa magaalada Kismaayo ay waajib ku tahay inay soo marto garoonka Muqdisho ee Aadan Cade, iyada oo la sheegay in amarkan looga dan leeyahay sidii loo hubin lahaa diyaaradaha tagaya ama ka imanaya magaalada Kismaayo ee maamulka Jubboland.


Maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa intii ay socdeen doorashooyinkii hogaanka Jubbaland amar ay soo saareen ku joojiyay duulimaadkii tagi jiray magaalada Kismaayo.


Go’aankan dawlada federaalka Soomaaliya kasoo baxay ayaan la ogeyn in uu yahay mid siyaasad ku lug leh iyo in kale, waxaana amarkan soo baxaya xili la filayo magaalada Kismaayo ay ka dhacdo xaflad uu isku caleema saarayo Sheekh Axmed Madoobe.


Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin amarkan dowlada federaalka Soomaaliya kusoo rogtay diyaaradaha taga iyo kuwa ka yimaada magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in Jubbaland arintan war kasoo saarto saacadaha soo aadan.

Loading...
Loading...