Waayeel Hortiisaa Caano Loogu Biyeeyaa ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday August 29, 2019 - 16:04:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waayeel Hortiisaa Caano Loogu Biyeeyaa ( Abdi-Shotaly).

    Ruuxii weli sugaayey kana rajo qabay wax Somaliland la yidhaahaw, Candhuuf-taadda dib uga liq,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruuxii weli sugaayey kana rajo qabay wax Somaliland la yidhaahaw, Candhuuf-taadda dib uga liq,
shalay baa gebi ahaan siday u dhamayd xabaasha loo dedejiyey, weliba iyadda oo aanay nafi ku jirin, oo ay dhuunta kaga wareegaysay, baa iillka si wacan loo dhigay bilaa faataxa iyada oo aan kafana lagu xidhin. Alley-lehe haday cadaatay, rajo beeshay, oo badheedh loo kala direy, wixii la iska dhego tiraayey oo ay mar qudha, siddii likihii dhulka ka soo fuuri jirey ay mudh soo yidhaaheen, dhanka samadda laga kashifay, wixii ay rabeen kuna taamaayeen labadda askari iyo macaan jecesha daba leeftaa. ee ummad yahay saw far waaweyn oo ah tii shiinaha ee burushka lagu qori jirey, wax la idiin kuma sheegin indhihiina oo shan ah. Waxa idiin hadhay ee aad ka sugaysaan maamulka " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan" waa maxay in aad ka maqashaan ee kale?  Oo aan ahayn kala eriggii iyo kala yaacii Somaliland oo siddii tusbaxa xadhiga laga furey.

 

Waxa la yidhi " Waayeel hortiisa baa caano loogu biyeeyaaye" Kii la lahaa waa taliyaha ciidamao ( Nuux), Saw shalay siddii dhurwaa raq ka haagay cidla kamuu onkodin, oo Dalka qaybtii ugu baldhaanayd ( waa Sanaage) muu odhan waan ku farxsanahay in ay iska tagaan, oo 825 askari, hubkooddii, haddii ay tikniko tahay, saad iyo rasaas may ka bixin gacanta. Waa sheeko hor leh, oo ah soo af-jariddii iyo burburkii somaliland, oo ay u kala go'aysay gobolo beeleedyo, aan mid-na mid xukumin. Akhristaw iyaba waa af kala qaade, Isaga oo Nuux Ku hadlaaya afka inaadeerkii ( Raggii ma adigaa ka hadhay", baa waxa kale oo intaas ka sii daran, uu la hadaaqay yidhina Janaral Caarre Waa Denbiil qaran, iyo af-lagaadooyin kale oo beeleed, isaga oo ku dhego hadlaaya qaar u shaqaynaayey, oo Inaadeerkii u dirtay hoosaasinta soo qabashadda "Janaral Caarre iyo Jabhadda Dulmi diid" Balse ummad yahay, waxa la yidhi markii kii denbiga lahaa, laga dhigo rasuul  soo daahiray, muxuu noqon doonaa kii nadiifta ahaa isna,

 

"Waxa uurka kaaga jira baa afku kaa xadaaye" baa hore loogu maah-maahaye, go'aankii askariga iyo halkay talo ka taagan tahay buu " Nuux ku dhawaaqay shalay, iyadda oo aan madmadaw ku jirin. Waxan ku soo dabray qoraalkan, Intaas iyo qaar kaloo badan oo aan lagu soo koobi karin maqaal iyo laba-toona, kii geystay, baa weli hadlaaya oo dad intuu isi soo hor tagao, cid kale ku eedaynaaya dunuub aanay lahayn. la yaabi maayo, oo wuxu ku hadlay waa fariintii uu soo faray Inaadeer-kiisa, ka amar kutaaleeyaa aqalka Xaafad-tooyadda. Arimahani waxay shaca ka qadeen go'aanka ay gaadheen askartu ee ku saabsan arimaha Janral Caarre, beena ay ka ahayd Gudi waan-waan doon ah baanu dirnay, laakiin way iska soo gabaga-bawday, oo waa kaas shalay badhidda dhulka ugu dhuftay, kuwii Sanaag ku meeraysa-naayey iyo Janaral Caare ee lahaa waxa aanu wadnaa waan-waan iyo heshiis, iyana ha ku taamilo qqaateen, in aanay wax Alle yaqaan, oo qawl leh aanay ahayn waxa meesha joogaa.

* N.B Waxa Uurka Kaaga Jira Baa Afku Kaa Xadaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...