Golayaasha Sharci Dejista Somaliland Iyo Kaalintooda!

0
Thursday August 29, 2019 - 15:55:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golayaasha Sharci Dejista Somaliland Iyo Kaalintooda!

    Somaliland waxay lee dahay laba gole oo kal duwan kuwaas oo kala ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland waxay lee dahay laba gole oo kal duwan kuwaas oo kala ah

: 1- Golaha Wakiilada 2- Golaha Guurtida labada gole Shaqadooda ugu muhiimsan waxa ka mida arimahan:




a) Hubinta iyo la xisaabtanka dawlada shaqadeeda in ay u gudatey qaabka sharcigu jideynayo iyo in kale (scrutiny).


b) Sameyta iyo bedelada Shuruucda (legislation).

c) Hubinta iyo hagaajinta habka dawladu u qarashgareyso misaaniyada (budget/Taxes)


d) Falanqeynta iyo ka doodida arimaha muhiimka ah ee qaranka iyo asaxinta mooshinada iwm.(debating).


Labada gole ee Guurtida iyo Wakiiladu waa laba shaqadoodu isku xidhan tahay oo mid walba kan kale kaabayo,oo isku dheelitiran. labaduba waxay xubnahoodu ka munaakhishoodaan oo ay qabtaan dodo ku saabsan xukumada iyo siyaasadeeda, sharciyada cusub ee dawladu soo jeediso in la meelmariyo iyo mawaadiicda maalintaa taagan ee la rabo in wax laga qabto ama laga yidhaado.


Somaliland labadeedan gole waa kuwo aan xilkooda si fiicaan u gudan oo aad moodid in ay arin qudha uun ay ku soo koobaaan hawlahooda taas oo ah marka mooshin shirci golaha la horkeenayo in aad dareemeysid uun jiritaanka golaha, oo shaqooyin kale oo muhiima ay lahaayeen in aaney waxba ka qaban.

Arimaha muhiimka ah ee aaynu tabeyno in golohu aanu xilba iska saarin waxaynu u qaybin karnaa laba qaybood oo kala ah:


I) Arimaha nabadgelya ee hada taagan sida:

i) Falaagowga Ex.Con.Caare labada gole midna iska muuxilsaarin si furan in ay uga doodaan,baadhan,oo ay tilmaamaan qaabka ugu haboon ee sharci ahaan looga hawlgalayo arinta ku saabsan dhibaatada nabadgelyo,siyaasadeed iyo bulsho ee falaagada care hogaamiyaa loo soo afjari lahaa,kula xisaabtanka hayadaha dawlada ee ay quseyso arimaha nabadgelyada waxay ka qabteen,waxa uga qorsheysan qaabka loo gelayo arintan.


ii) Arinta labada Ardaa ee Ceel Afweyn : Waa ay ka gaabiyeen labada goloba iney daraasad cilmiya ku sameeyaan sabaha saldhiga u ah in mudo 3 sano ka badan xal waara laga gaadhi waayo dhibaatada dhextaala bulshada ku dhaqan aagaasi,wax xil muuqda iskama ay saarin labada gole gaar ahaan mudanayaasha laga soo doortey deegaankaasi oo ay ahayd in ay hormood ka noqdaan xal u helinta,talo ka keenaan qaabka uGu fiican ee loo soo afjari karo maadaama ay xogogaal u yihiin oo ay ka soo jeedaan degaanka.


iii) Ciidamo beeleed yada loo qoro degaanada bariga qaar ka mida oo aan wafaqsaney qabdhismeedka ciidamada qaranka taasina ay dhibaato ku tahay hawlgalka ciidanmada qaranka,nidaamka sharci ee amaanka qaranka iyo habka nidaamka sharciga hubka ee rayidka hubeysan.


Taas oo dhacda in maleeshiyo beeleysan oo qaranka mushahar iyo gunoba ka qaataa marba meel dhinac u guuraan oo dano siyaasadeed iyo dhaqaale awgeed loo adeegsado oo cadawga Somalilandna uu adeegsado marka uu doono taas oo noqon karta waxaa afka qalaad loogu yeedho double Agent.Arintaas oo ay ahayd in golayaashu ka doodan sidii loo sameyn lahaa qarameynta ciidamadaasi looga hoosgeyn lahaa ciidamada qaranka ama loo kala deri lahaa oo ciidan police oo deeganka ah loogu bedelilahaa .

La soco qaybaha dambe……….

Mahadsanidin dhamaantiin

by M J Farah

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...