Wasiir Axmed Muumin Seed Waxa uu Lumiyay Fursad Dublamaasiyaddeed oo Somaliland U Baahnayd!

0
Friday January 25, 2019 - 19:23:22 in Highlights by Super Admin
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Axmed Muumin Seed Waxa uu Lumiyay Fursad Dublamaasiyaddeed oo Somaliland U Baahnayd!

    Hargaysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa waxa lagu soo casuumay shir ka dhacay waddanka jarmalka oo lagaga hadlayay arimaha beeraha iyo sidii loo kobcin lahaa oo ay ka soo qayb galeen wasiiro badan oo ka socday dalalka Africa iyo Dubla-maasiyiin, ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa waxa lagu soo casuumay shir ka dhacay waddanka jarmalka oo lagaga hadlayay arimaha beeraha iyo sidii loo kobcin lahaa oo ay ka soo qayb galeen wasiiro badan oo ka socday dalalka Africa iyo Dubla-maasiyiin, kuwaasoo diiradda lagu saarraayay sidii loo kobcin lahaa arimaha beeraha iyo wax soo saarka geeska. Shirkan ayaa waxa si gaar ah loogu casuumay wasiirka beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed, iyaddoo ay dawladda Jarmalku u soo dirtay fiisaha dalk ku-galka sida ay sheegayso Marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan hoggaanka sarre ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, hase yeeshee mudadii shirka markii ay maalin qudha ka hadhsan tahay ayuu Wasiir Axmed Muumin Seed uu sheegay inaanu ka qayb-gali Karin Shirkaas, waxaannay arrintaasi keentay in dhaqaalihii lagu bixinnaayay shirkan oo lagu taageeraayay arrimaha Beeraha iyo Wax-soo saarka Somaliland loo weeciyay dhanka Soomaaliya, iyaddoo aannu Wasiir Seed caddayn sababta rasmiga ah ee uu u baaqday, isla markaanna uu u diri waayay Agaasimihiisa guud oo ah Nin aqoonyahan ah oo Shahaadada sarre ee PHD-da haysta.


Kulankan oo  lagaga hadlaayay arimaha beeraha ayaa waxa uu kulmiyey Wasiirro ka socda dalalka geeska Africa iyo Dublamaasiyiin badan, waxaannay taasi ka dhigan tahay in Wasiir Muumin uu dayacay fursad siyaasiyan Somaliland guul u noqon lahayd oo xidhiidho cusub Somaliland u yeelan lahayd.

Fashilka siyaasaddeed ee uu ku dhacay Wasiirka Beeraha Somaliland iyo dayaca uu beerdarreeyay fursad uu ku iib gayn lahaa Qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu taas badalkeedda ku mashquulsannaa Shir jaraa’id oo uu ugu jawaabbaayay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka hadlay arrimaha saamigga kurraasta Golaha Wakiillada, oo uu waaggii uu WADDANI joogayna ku eeddayn jirey Xukuumaddii markaas talada haysay, maantanna uu ku eeddaynaayo Mucaaridka Somaliland oo uu horreeyo Xisbiga WADDANI, waase laba aan is qabanayn in maalin-ba halkaad joogto aad ku salayso Masiirka ummadda reer Awdal.

Madaxwaynaha Somaliland oo intii uu xilka hayay laba jeer safar kaga baxay dalka waxa lays-waydiinayaa inuu ka war hayo iyo inaanu isna fursaddaha dalka dibadiisa Somaliland ka helayso aanu isna war u ahayn, madaama oo aanu isku mashquulin inuu arimaha siyaasadeed ee dunida la socdo.

Wasiir seed ayaa dadka wax faalleeya iyaguna waxa ay tilmaamayaan in sababta ugu wayn ee uu uga baaqday ay tahay aqoonta uu u leeyahay xaga luuqadaha oo aanay isku fiicnayn madaama oo aanu heerkiisa waxbarasho gaadhsiisnayn jaamacad,waxaana ay taasi tilmaamaysaa inay sal u tahay arimaha ugu wayn ee uu shirkaas uga baaqday.

Hadhwanaagnews/Office

Hadhwanaag/Staff Writter
Loading...
Loading...