Boqorada Ingiriiska Oo Go'aan Ka Gaadhay Codsi Uga Yimid Raysal Wasaare Boris Johnson

0
Thursday August 29, 2019 - 13:30:55 in News by
  • Visits: 2738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorada Ingiriiska Oo Go'aan Ka Gaadhay Codsi Uga Yimid Raysal Wasaare Boris Johnson

    Boqorada Ingiriiska Oo Go'aan Ka Gaadhay Codsi Uga Yimid Raysal Wasaare Boris Johnson

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqorada Ingiriiska Oo Go'aan Ka Gaadhay Codsi Uga Yimid Raysal Wasaare Boris Johnson


Boqoradda dalka Ingiriiska, Elizabeth ayaa ansixisay codsi uga yimid ra'iisul wasaaraha cusub ee waddankaas, Boris Johnson, kaasoo dalbaday in la hakad la galiyo howlaha baarlamaanka.

Image result for johnson


Golaha ayaa ayaa la kala diri doonaa maalmo yar ka dib marka ay xildhibaannada bisha Sitembar dib uga soo laabtaan fasaxii ay ku maqnaayeen.


Shaqada aqalka ayaa hakad ku jiri doonta ilaa marka ay dhowr isbuuc oo kaliya ka harsan yihiin waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay in Britain ay ku gaarto heshiiska ay uga baxeyso midowga Yurub.


Waxaa uu go'aanka ku saabsan hakista shaqada baarlamaanka hir gali karaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 12-ka bisha Sitembar wuxuuna ku egyahay bartamaha bisha Oktober ee sanadkan.


Boris Johnson ayaa sheegay in khudbadda boqoradda ay qabsoomi doonto marka dib loo howlgaliyo baarlamaanka, oo ku began 14-ka bisha Oktober.


Wuxuu sheegay in markaas ay ka hadli doonto "ajandihiisa xiisaha badan leh".


Hase yeeshee arrintan ayaa ka dhigan in uu yaraan doono waqtiga ay xildhibaannada u heystaan inay ansixiyaan sharci hor istaagaya in Britain ay heshiis la'aan uga baxdo midowga Yurub, waqtigaasoo ku eg 31-ka bisha Oktober.


Afhayeenka baarlamaanka Ingiriiska John Bercow ayaa sheegay in tallaabadan ay ahayd "Caro dastuuri ah".


Mr Bercow oo dhaqan ahaan aan ka hadlin arrimaha siyaasadda ayaa intaas ku daray: "Way dhacday arrinta, waxayna ujeeddadu tahay in si indho la'aan ah baarlamaanka looga hor istaago inay ka doodaan waajibaadkooda ku saabsan ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub".



Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...