Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Kala Qaybsanaanta Shacabka

0
Thursday August 29, 2019 - 13:36:50 in News by
  • Visits: 2389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Kala Qaybsanaanta Shacabka

    Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Kala Qaybsanaanta Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Kala Qaybsanaanta Shacabka


Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa Masuuliyiinta xilalka qaranka haya ugu baaqay inay ka digtoonadan hadalada caadifada keenaya ee abuuri kara kala fogaanshaha umadda.


Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u waramayWargeyska Geeska Afirkaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "In Dadka la kala fogeeyo, oo caadifada iyo hadal aan meesha oolin lagu kala fogeeyo maaha, waxaa loo baahna tabasho kasta oo jirta in halkeeda loogu tago oo la xaliyo, laakiin looma baahnayn in waxaan meeshaba oolin la keeno, waxaana ka digayaa in dadka la kala dilo, oo caadifad la kala dhex dhigo, halkii aynu hore ugu socon lahayna maaha inaynu dib u socono, ee ninka xilka qaran umadda u haya loogama baahna caadifad iyo hanjabaad, ee waxaa looga baahan yahay dulqaad iyo daacadnimo , ninka xilka qaran haya waxaa looga baahan yahay inuu waajibkiisa daacadnimo u guto, ee loogama baahna inuu wax walba siyaasad ka dhigo”.




Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa mar uu baaq u diraayey Shacabka reer Somaliland wuxuu yidhi "Umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto, Gobol kasta oo ay joogto iyo Deegaan kasta oo ay joogto, waa umadda reer Somaliland ah, ee Umadda reer Somaliland in la kala qaybiyo, oo la kala lexe-jelcaysto, oo la kala didiyo uma baahna, ee in la kasbado oo la soo jiidato oo lagu wada qanciyo Somaliland-nimada ayaa loo baahan yahay, Umadda reer Somaliland inay meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay wax kasta oo dhaca dalkiina wada ilaashada, oo nabadgalyadiina wada ilaashadan, oo siyaasadaha la idinku kala qaybinayo ka fogaada”

 

Loading...
Loading...