Jaaliyada Somaliland Ee Birmingham Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Ku Qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga+Sawiro

0
Thursday August 29, 2019 - 13:16:54 in News by
  • Visits: 3614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Somaliland Ee Birmingham Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Ku Qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga+Sawiro

    Jaaliyada Somaliland Ee Birmingham Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Ku Qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyada Somaliland Ee Birmingham Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Ku Qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga+Sawiro


Birmingham(HWN):-Jaaliyada somaliland ee magaalada Birmingham ee wadanka UK ayaa munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Yurub Abiib Cabdi oo socdaal shaqo ku gaadhay wadanka UK.






Munaasibada soo dhawaynta ah ee jaaliyada somaliland ee magaalada Birmingham ku qaabishay wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Yurub Abiib Cabdi ayaa waxa ka gashay wakiilka somaliland ee UK Amb Ayaan Cashuur, masuuliyiin kale iyo dadweyne aad u tiro badan.


Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga marwo Yurub Abiib Cabdi oo ka hadashay munaasibadan ayaa jaaliyada somaliland ee Birmingham uga xog warantay xaalada dalka, waxaanay tidhi ""Wadankeenu meel fiican ayuu maanta marayaa, halka uu marayana dadka nacabka ah ee wax ka sheega somaliland ee aan u dhalan mooyaane dadka u dhashay wax ay ku qanci karaan oo fiican ayaa ka socda, markaad eegto xaaladihii aynu soo marnay iyo dariiqadii aynu maalinba mid soo maraynay iyo halka uu maanta marayo wax badan ayaa u dhaxeeya.”






Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga marwo Yurub Abiib ayaa jaaliyada Birmingham u sheegtay in hogaamiyeyaashii kala dambeeyey ee somaliland uu mid waliba wax qabtay waxaanay tidhi "Wadankeena shan madaxweyne ayaa iska badalay xaalado kala duwana wuu soo maray madaxweyne kastaana waxbuu qabtay oo masuuliyada meel ayuu soo gaadhsiiyey , marbaana jirtay dhulka laga soo bilaabay qof aan wax qabana ma jiro, qof kastaana meel ayuu soo gaadhsiiyey oo laga sii hogaamiyey hadana qof kastaba wixii uu dalkiisa u qabtay haduu madaxweyne yahay, haduu shacab yahay iyo hadii uu muwaadin dibada jooga yahayba taariikhda ayaa xusi doonta oo xaqu isma qariyo.”


Marwo Yurub Abiib oo hadalkiisa sii wadata ayaa intaas raacisay "Wadankeenu meel fiican ayuu marayaa, nabad buuxda ayuu haystaa waana wada xor ah oo aanay jirin cid aad ka baqanaysaa ilaa laascaanood ilaa Saylac aad xoriyadooda ku mari karto oo aan meelna joog lagu odhanayn cidna aanad ka baqanayn hadaad banaanka seexato.”






Sidoo kale wakiilka somaliland ee wadanka UK Ayaan Cashuur oo ka hadashay munaasibadan soo dhawaynta ah ee jaaliyada Birmingham u samaysay wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga somaliland Marwo Yurub Abiib ayaa ka warantay kaalinta ay haweenku kaga jiraan dawlada somaliland waxaanay tidhi "Dumarku dawladihii hore qayb ayey ka soo qaateen imikana waxaad ogtihiin oo aan aniguna aad ugu faanaa in wasiirada ugu qiimaha badan uguna qaalisan somaliland waa xubnaha dumarka ah qaarna waa laga xusay halkan qaarna lagama xusin, waxaana ka mid ah shugri Baandare oo 20 sanadood ka shaqaynaysay shaqada ay gacanta ku hayso ee deegaanka ah.”







Loading...
Loading...