'' Kaftanka Caawa , Saax-Dheer Buu Ii Fadhiyaa ''.

0
Thursday August 29, 2019 - 13:05:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka Caawa , Saax-Dheer Buu Ii Fadhiyaa ''.

    Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi alle ha u naxariistee , Garaad Cali Garaad Jaamac ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi alle ha u naxariistee , Garaad Cali Garaad Jaamac ,
 oo ahaan jirey Garaadnimadda ka sokow siyaasi iyo xildhibaan dawladihii rayidka ahaa ee Soomaaliya , qof ahaana nin badraana oo an shaadhkiisa duqsigu isku taagin , ayaa maalin maalmaha ka midda Hotel Mogdisho ah isagoo fadhiya nin hadal taagtaagan oo kulul kula hadlay .

Ninki markuu cabaar odaygii la hadlayay ayuu iska tagay iyadoo aan Cali Garaad ka jawaabin , dabeeto markuu iska tagay ayaa Cali saaxiibadii ku yidhaahdeen , waar caliyoow ninkani muxuu ahaa aanad u jawaabin ee sidan kuula hadlay , dabeeto Cali intuu qoslay buu yidhi , waar Kani Saac-dheer buu ii fadhiyaayoo , hadaan la hadlo codka saac-dheer baan waayaya , saax-dheerna waa deegaankii cali lagga soo dooran jirey Baarlamaanka .



Imika waa halkaase , Xukuumadda waxaa loo sii fadhiyaa Ban-cawloo , waxay xasuusantahay codkii barigii dhawayde , ama cod kale haloo balanqaado , ama dee korodhsiimo iyo wax kale halala raadiyo , si ay codkaa uga maaranto , ilayn codkaasaa ku takhlanoo hadii aanay badalkiisa helin dhiiran maysee .


W/Q: Ahmed Guruuje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...