Taliyihii Ciidanka Somaliya Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Talooyin Uu Siiyay Farmaajo

0
Thursday August 29, 2019 - 11:29:23 in News by
  • Visits: 4101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ciidanka Somaliya Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Talooyin Uu Siiyay Farmaajo

    Taliyihii Ciidanka Somaliya Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Talooyin Uu Siiyay Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii Ciidanka Somaliya Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Talooyin Uu Siiyay Farmaajo


Muqdisho(HWN)Taliyihii xilka laga qaaday ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idha-Qarshe ayaa walaac ka muujiyay isbadallada tirada badan ee lagu sameeyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida.



Jen Idha Qarshe ayaa maalin ka hor wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa looga qaaday xilkii taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyadoo xilkaa loo magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raage.


Wuxuu sheegay in xil ka qaadistu tahay nidaam qeyb ka ah dowladnimada islamarkaana uusan waxba ka qabin, laakiin waxaa uu sheegay in uu taa badalkeeda ka jeclaan lahaa in hoggaanka Ciidanka loo daayo hal taliya, waxaana uu wax lala yaabo ku tilmaamay muddo Labo sano ah in taliska ciidanku yeesho Shan taliye.


Isaga oo la hadlayay Laanta VOA-da ayuu yiri "Inkastoo aniga aan ka jeclaan lahaa inaan Ciidanka muddo labo sano iyo bar shan taliye soo marin halkii Taliye ee u horeeyay loo daayo, hadana aan kula talinayo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Odawaa Yuusuf Raage hala siiyo waqti lagula xisaabtamo la yiraahdo waxbaa qabatay ama wax ma qaban, laakiin hadii dhowr bilood ka bacdi la bedelo isagana wixii lagula xisaab tami lahaa meesha ma yaalo”


VOA


Loading...
Loading...