Dawlad Goboleedka Juboland Oo Go'aan Ka Gaadhay Xayiraadii Ay Saareen Masuuliyiinta Dawlada Federaalka Ah
Kismaayo(HWN):-Dawlad goboleedka maamulka Juboland ayaa sheegay inay xayiraadii ka qaadeen masuuliyiinta dawlada federaalka ah ee hore looga mamnuucay maamulkaasi.

Madaxweynaha jubboland Axmed Madoobo ayaa shir uu wasiiradiisa kula yeeshay magaalada Kismaayo ka dib waxa lagu shaaciyey in la qaaday xayiraadii dhinaca socdaalka ee deegaanada maamulkaasi lagaga mamnuucay masuuliyiinta dawlada federaalka ah.
Kulanka oo ay uu shir guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa laga soo saaray in leysku afgartay in la qaado xayiraada la saaray Mas’uuliyiinta Xukuumadda ee ku aadanaa in aanay magaalada Kismaayo imaan karin mudadii ay socotay doorashada.
Maamulka Jubbaland ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo, waxaana mudadii ay socotay doorashada la joojiyay isu socodka badda, cirka iyo dhulka oo magaalada laga xiray.
Khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa sabab u noqday inuu hakad ku yimaado wada shaqeyntii labada dhinac, taasoo keentay in laga mamnuuco Kismaayo Mas’uuliyiinta Xukuumadda Federaalka.
Axmed Madoobe ayaa lagu doortay magaalada Kismaayo 22kii bishan aynu ku jirno, inkastoo qalalaase ka dhashay doorashada iyo habka ay u dhacday ay sababtay in ay soo baxaan mas'uuliyiin kale oo iyagu sheegtay in ay madaxweynayaal yihiin.


0 





