Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Iyo Gudoomiyaha Ucid Oo la Sheegay In Shahaadooyin Been Abuur Ah La Gudoonsiiyey
Hargeysa(HWN):-Masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland ayaa la sheegay in la gudoonsiiyey shahaadooyin been abuur ah oo aan ka soo bixin dallada ay ku midoobeen jaaliyadaha somaliland ee wadamada yurub.

War saxaafadeed ka so baxay dallada SSE(Somaliland Society In Europe) ayaa lagu sheegay inaanay dallladaasi ka soo bixin shahaadooyin la gudoonsiiyey masuuliyiin ka tirsan xukuumada iyo hogaamiyaha xisbiga Ucid.
Dallada guud ee jaaliyadaha Somaliland ee Yurub ee loo soo gaabiyo SSE, oo kulmisa ururro jaaliyadeed badan oo waddamada Yurub ka dhisan, waxa la aasaasay sannadkii 2001.
SSE waxay u furan yahay cid kasta oo danaynaysa u ololaynta iyo ilaalinta qaddiyadda qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay ka noqon karaan xubin haddii ay buuxiyaan.
shuruudaha u yaalla dalladda.
Guddiga fulinta SSE waxay hay’adaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku
jiraan xisbiyada mucaaradka iyo dhammaan
ummada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan dalka iyo dibeddaba u direysaa farriin ah inay soo
baxeen dad qurbo joog ah oo ka been abuurtayka mid ahaansho dalladda SSE, isla markaana sameeyay shahaadooyin been
abuur ah.
Shaqsiyaadkaasi sheegtay magaca jaaliyadda SSE waxay bishan August 25dii
shahaadooyin sharaf been abuur ah guddoonsiiyeen masuuliyiinta kala ah
(1) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL, AadamX. Cali Axmed,
(2) Guddoomiyaha xisbi mucaaradka UCID, Eng Faysal Cali Xuseen,
(3)Wasiirka Horumarinta Beeraha, Axmed Mu’min Seed iyo (4) Wasiirka Hawlaha Guud, Cabdirashid X. Ducaale Qambi.
Guddiga fulinta SSE wuxuu ka xun tahay in madax qaran oo mudnayd in lagu sharfo
abaal marin rasmi ah, lagu khiyaamo shahaado bililiqo ah.
Guddida fulinta ee SSE waxay khaasatan wax laga xumaado u aragtaa in fal
dambiyeed marag ma doonto ah lagu
ceebeeyeeyay sharafta maxkamadda sare ee JSL ee ilaalinaysay ku dhaqanka sharciga guud ee qaranka. Guddigu
waxay Xeer Ilaaliyaga Guud ee qaranka JSLugu baaqaysaa inay ciddii gashay fal dambiyeedkaa dacwad lagu soo oogo
si waafaqsan qodobka 383 ee Xeerka
Ciqaabta Guud oo ah sheegasho khiyaano cid aanad ahayn.
Waxaannu madaxda sharafta leh ee qaranka JSL uga digaynaa cid kasta oo ku
qadhaabata magacyo ururro aanay ka
tirsanayn.
Somaliland Guul
Gudidda Fulinta Dalladda Somaliland Society in Europe, (SSE)
Contact: [email protected]


0 





