Raysal Wasaare Khayre Muxuu Kala Hadlay Masuuliyiinta Baanka Dhexe?

0
Tuesday August 27, 2019 - 19:53:27 in News by
  • Visits: 1553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Muxuu Kala Hadlay Masuuliyiinta Baanka Dhexe?

    Raysal Wasaare Khayre Muxuu Kala Hadlay Masuuliyiinta Baanka Dhexe?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Muxuu Kala Hadlay Masuuliyiinta Baanka Dhexe?


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta Bangiga dhexe ee dalka.




Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu kurmeerka ku jiray waxa uu kulan looga hadlay daddar-gelinta shaqooyinka hor tebinta leh ee bagiga la qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee dalka iyo xisaabiyaha guud.


Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka.



Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.


—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...