Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Ganaaxyo Dul Dhigay Ciyaartoy Ka Qayb Galaysa Tartanka Degmooyinka Hargeysa
Ref: GADXKCSL/04/27/2109 27, August, 2019
Ku: Maamulka Degmadda Maxamuud Haybe
Ku: Maamulka Degmadda Maxamed Mooge
Og: Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland
Og: Isu-duwaha Gobolka Maroodi-jeex ee WDH&Ciyaaraha
Og: Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha WDH&Ciyaaraha
Og:Agaasimaha Guud ee WDH&Ciyaaraha JSL.
Ujeedo: GO'AAN KA GAADHID LABADDA DACWADOOD EE DEGMOOYINKA MAXAMUUD HAYBE & MAXAMED MOOGE:
Sida ku cad Dacwaddihii nooga kala yimid labadda Degmo ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, oo mid walba ku sheeganayay in ciyaartoy aan degenayn u ciyaaray Degmadda kale ciyaartii dhex-martay Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge.
Haddaba sida uu dhigayo qoddobka 16-aad ee sharcigga tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, kaas oo sheegaya in "Ciyaartoy aan deganayn Degmaddiisa haddii uu u ciyaaro ama liiska lagu soo darsaddo, waxaa laga qaadi doonaa dhibcaha ciyaarta oo lagu wareejin doonaa Degmadda kale".
Sidaas darteed, maadaama labadda Degmabba ay u ciyaareen ciyaartoy aan deganayn Degmooyinkiina, taas oo ka Guddi ahaan labadda maamul ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge lana ogaydeen markii aanu soo cadeynaynay rasmi ahaan ciyaartoydaasi halka ay degan yihiin.

Guddida Anshaxa iyo Dacwaddaha ee XKCSL waxay go'aamiyeen iyaga oo tix-raacaya qoddobka 16-aad ee tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa sidan hoos ku xusan:
1. In natiijaddii ciyaartii dhex-martay labadda Degmo ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ay tahay waxba kama jiraan (Disqualified), cidna loo tirin doonin dhibco iyo goolalba.
2. In ciyaartoyga magaciisu yahay Maxamed Cabdi (Khaatiyaan) oo u ciyaarayay Degmadda Maxamuud Haybe, falkii gacan ka hadalka ahaa ee uu ku geystay garoonka dhexdiisa in laga joojiyey (Ganaaxay) muddo hal sanno ah ciyaaraha uu fulinayo XKCSL, laga bilaabo 27 July 2019.
3. In labadda ciyaartoy ee magacyadoodu kala yihiin Maxamed Xasan (Cayuun) iyo Mubaarig Suufi aanay u ciyaari karin Degmadda Maxamed Mooge, ciyaaraha u hadhay ee tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa maadaama ay degan yihiin Degmo kale.
Wabilaahi Tawfiiq.
Guddida Anshaxa iyo Dacwaddaha ee XKCSL:
1. Sacad Maxamed Shire
2. Cismaan Madar Samatar
3. Axmed Muxumed Xirsi
4. Sahra Xasan Cigaal


0 





