Cabdirashiid Riyo-raac magaciisaa inagu filan..W/Q Axmed Maxamed

0
Tuesday August 27, 2019 - 16:32:16 in Articles by
  • Visits: 3093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdirashiid Riyo-raac magaciisaa inagu filan..W/Q Axmed Maxamed

    Cabdirashiid Riyo-raac magaciisaa inagu filan..W/Q Axmed Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdirashiid Riyo-raac magaciisaa inagu filan..W/Q Axmed Maxamed


Haddii xil loo dhaartay oo laga tegay cidi ku noqonayso dembiile iyo Khaa'inul Waddan ninkan Riyo-raac la baxay baa koobka qaaday, sababtoo ah waa ninka Saddexda Xisbi ee meesha ka jira dhamaantood u dhaartay ee ka dukaamaystay mid kastana markii uu ka qubaystay macawistii iyo Kabihii dacaska ahaa ee casaa uu Caynaba kala yimi hortiisa ku bixiyay.




Waa ninka markii uu Hargeysa la qabsaday ee ku ilbaxay diyaarad Xamar ku socota raacay ee Xil u doontay Xukuumaddii Xasan Sheekh ee laga xiiran waayay dabadeedna inaadeerkii Xayir Maareeye baabuurta u masmasixi jiray 8 bilood. Ugu dambayna ku laabtay Hargeysa ee ka qayb galay doorashadii qabyaaladeed ee Jeegaantu ku bahowday isagoo ka muusanaabi jiray Caynaba iyo meelahaa wakhtigii Ololaha.


Ninka noocaa ah ayaa maanta Janaraal Caarre oo dhibi-lisanaya Malab saafi ahna ku jaqaya degaankiisa ugu quruxda badnaa Waqooyiga Somalia, ku sheegaya Khaa'inul.


Calaa kuli xaal waxaan leeyahay Cabdirashiidow nin caano riyaad lagu can-qariyay oo shalay Buurdhaab ka soo degay uguma hadal xumid.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...