'' Soomaaliddu Abaal Ma Leh Bal Qisadan AKhriso...W/Q Axmed Nuur Guruje

0
Tuesday August 27, 2019 - 16:02:47 in Articles by
  • Visits: 2208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Soomaaliddu Abaal Ma Leh Bal Qisadan AKhriso...W/Q Axmed Nuur Guruje

    '' Soomaaliddu Abaal Ma Leh Bal Qisadan AKhriso...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'' Soomaaliddu Abaal Ma Leh Bal Qisadan AKhriso...W/Q Axmed Nuur Guruje


Halkan waxaa idiinka muuqda Taliyihii horre ee Ciidanka Wadanka Soomaaliya , Indha-qarshe iyo Taliyiha cusub ee xilka kala wareegay Odowaaa , oo taagan munaasabadda xil wareejinta ee ay maanta xilkaas kula kala wareegene.


Image may contain: 3 people, people standing


Gen Indha-qarshe waa kuma .

1977 Markii ciidamaddii xooga dalka Soomaaliyeed qabsadeen dhulka Soomaali galbeed , waxay isugu yimaadeen magaaladda Jigjiga oo ahayd meel istaraaji ah , meeshaas oo ay ka dhaceen , dagaaladdii ugu adkaa ee abid ka dhacay qaaradda Afrika .

Ciidamaddii Soomaaliddu waxay jigjiga ku eekeeyeen weerar dhinaca cirka ah iyo dhulka ah oo aan joogsi lahayn , muddo afar iyo toban cisho ah oo xidhiidha hasa yeeshee waxba ugama suurta gelin .

Dhibka Soomaalidda haleelayna wuxuu noqday in diyaaradihii Soomaaliddu heli waayeen raadaalkii diyaaradaha oo saaraa buuraha kaaraa mardha , diyaaradihii soomaalida intoo badnayda halkaas ku burbureen , ciidankii dhulkuna socon kari waayay .

Halkaa markay maraysay ayaa Taliskii ciidamadda Soomaaliddu adeegsaday madaafiic , madaafiicdaas oo uu hagayay ninka odayga ah ee halkan ku aragtaan Gen Indhe-qarshe .

Indhe qarshe , siduu Raadyoow ugu hagaayay maadaafiicdii wuxuu ku guulaystay ugu dambayn in uu burburiyo raadaalkii , halkaasna waxaa suurta gashay in ciidamadii soomaaliddu ku ruqaansadaan Kaara-mardha .

Alle ha u naxariistee , Abtigay Xuseen Axmed guuleed oo maalin maalmaha ka midda noo sheekeyey wuxu yidhi , waagaas waxaan ka ahaa Col , ah Gaashaanle dhexe , waxaanan hogaaminayay ciidamo ka tirsan kuwii malaintaa ku ruqaanaday kaaaraa mardha , buurahaa intii aaanan gelina waxaa noosoo sahamiyey oo sahanka noo qaabilsanaa , Col Maxamed Kaahin , oo ah Wasiirka arrimaha gudah aee imika Somaliland .

Gen Indha-qarshe maalintaas wuxuu heley , Bilad geesi hawlkarnimo dagaal iyo dalacaad wada socda .

Dhinaca kale , Gen Odowaa wuxuu dhashay 10 sanno ka dib 1977 oo ku beegan 1987 , wacdarahaasna waxba kama ogayn .

Indha-qarshe xil ka qaadista hadii lagala xishoon waayay , waxay ahayd in ugu yaraan la maamuuso oo hawlgab laggu sheego oo la dalacsiiyo , hassa yeeshee sidaas bilaa karaaamada ah ayaa loogu badalay wiilkaas yar ee caruurtiisa ka yar , Soomaalidu abaal maleh .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...