Madaxwaynaha Jabuuti Oo Ka Degay Muqdisho + SAWIRO

0
Saturday March 16, 2019 - 12:07:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Jabuuti Oo Ka Degay Muqdisho + SAWIRO

    Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gaadhay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gaadhay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya,

iyadoo si wayn loogu diyaar garoobay soo dhaweynta Wafdiga Madaxweyne Geelle .


Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa Wafdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo kaga hortagay Madaxweynaha ilinka hore ee Diyaarada.



Madaxweyne Geelle & Madaxweyne Farmaajo ayaa salaam Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada lagu diyaariyay Garoonka Aadan Cadde ee soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha.


Wafdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa ku jira xildhibaano wasiiro, ganacsato, saraakiil ciidan, xubno ka tirsan madaxtooyada Jabuuti iyo Fanaaniin muddo aanan iman Soomaaliya.


Fanaaniinta wafdiga la socda waxaa kamid ah Xasan Aadan Samatar oo sheegay in 30 sano uusanimaan magaalada Muqdisho, waxaana waqtigiisa ugu badnaa uu ku sugnaa dalka Jabuuti.

Loading...
Loading...