Munaasibad Qalin jabin ah oo loo qabtay 125 arday oo ka qalinjabiyey Jaamacadda Abaarso Tech University

0
Monday August 26, 2019 - 16:46:55 in News by
  • Visits: 4600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Qalin jabin ah oo loo qabtay 125 arday oo ka qalinjabiyey Jaamacadda Abaarso Tech University

    Munaasibad Qalin jabin ah oo loo qabtay 125 arday oo ka qalinjabiyey Jaamacadda Abaarso Tech University

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad Qalin jabin ah oo loo qabtay 125 arday oo ka qalinjabiyey Jaamacadda Abaarso Tech University


Hargeisa (HWN):- Munaasibadan ay Jaamacada Abaarso Tech u qabatay Ardayda dhamaysatay Heerka koowaad ee Degree-ga iyo Heerka Labaad ee Master-ta oo ay Tiradoodu dhamayd 125 Arday ayaa ka Qabsoontay Hotel ka Grand Haadi ee magaalada Hargeysa.



 
Waxaa munaasibadan ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo sayniska, Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socotay Xukuumada iyo Asxaabta siyaasada, Aqoon yahan iyo waalidiin tiro badan oo u yimiday goobta sidii ay ula qaybsan lahaayeen farxada ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Abaarso tech Xarunteeda guud ee Hargeysa iyo sidoo kale Ardayda qaybta Burco.


Gudoomiyaha Jaamacada Abaarso Tech Dr. Axmed Xussen Ciise oo isagu ugu horayn ka hadlay Munaasibadan furitaankeeda ayaa ka waramay da’daaladii kala duwanaa ee ay Jaamacadu galisay sidii ay u soo saari lahayd Arday tayo leh oo kooban.


Sidoo kale Dr. Axmed wuxuu masuuliyiintii iyo bulshadii kale uga ramay in Jaamacada Abaarso tech ay Bilowday qayb lagu baran doono farsamada Gacanta isla markaana ay wadanka wax ugu soo kordhin.


lahayd xarunta farsamada gacanta, sidoo kalena sheegay in ay soo saareen qalaba lagu dayac tiri doono wadiinka laamiga ah wakhtiga ay burburaan, tijaabona ay ku sameeyeen Qalabkaasi oo ay wada xaafada xawaadle ee magaalada Hargeysa ku sameeyeen dayac tir.


Sh. Aadan Maxamuud Xiiray ( Aadan Siiro ) oo ka mid ahaa Marti sharaftii la soo Casuumay ayaa oo Hadalo kooban oo dardaaran iyo bogaadin isugu jira ka jeeday Munaasibada Boqranayd ee loo qabtay ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Abaarso Tech , ayaa waxa uu ku amaanay Gudoomiyaha Jaamacada iyo da’daalka ay galiyaan soo saarista arday Tayo leh oo aqoontoodu ay aad u sarayso.


Dhanka kale Munaasibadan oo ay hadalo dhiiri galin iyo dardaaran balaadhan u jeediyeen dhamaan masuuliyiintii ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen, Aqoon yahan Cabdikariin Axmed Mooge iyo Jaamac


Muuse Jaamac waxa ayaa waxay si weyn ugu dheeraadaan in aanay waxbarashadu dhamaad lahayn ee ay halkaasi ka sii wadaan.


Sidoo kale Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Wadani oo isna goobta ka hadlay ayaa ardayda ku amaanay sidii ay ugu soo dhabar adaygeen mudadii ay wax soo baranayeen, kuna booriyey in aanay sidaa ku dayn ee ay cilmiga sii kororsadaan isagoo tusaalayaal u soo qaatay dad badan oo aduunyada aqoontooda heer ku gaadhay.


 

Masuuliyiintii kale ee goobta ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha iyo Wasiirka waxbarasha isla markaana ka mid ahaa waalidiinta ay ardaydoodu manta qalin jabiyeen waxay hambalyo u direen ardayda gaadhaysa 125 ka Arday ee dhamaysatay heerarka kala duwan ee jaamacada, wasiirka ciyaaraha ayaa isagu jaamacada Abaarso tech ku Amaanay tayada ardayda ay soo saaraan isagoona maamulka jaamacada ka codsaday in Magaalada Ceerigaabo ay farac ka furtaan maadaama ay jirto Faraca Jaamacada Abaarso tech ay ku leedahay Magaalada Burco.


 

Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada Farhaan Aadan Haybe ayaa isaguna ardayda Jaamacada Abaarso tech u balan qaaday in shaqooyinka ka banaanaada xarumaha dawlada ay arday Jaamacada ka qayb galin doonaan.


Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada iyo Sayniska iyo tacliinta sare oo isagu ka hadlay Munaasibada qalin jabinta ah ee loo qabtay Ardayda ka qalin Jabisay Jaamacada Abaarso tech ayaa si weyn ugu Amaanay maamulka jaamacada Tayada iy Aqoonta ardayda ay soo saareen.


Kuna booriyey in ay halkaasi ka sii wadaan Jaamacaduna ay ka mid tahay Jaamacada Koowaad ama Labaad ee dhanka tayada waxbarasha Ilaaliya isla markaana soo saara arday dhisan oo tiro kooban.


Gabo-gabadii madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo soo xidhay munaasibada qalin jabinta ay Jaamacada abaarso tech u qabatay ayaa wuxuu u Hambalyeeyey ardayda dhamaysatay waxbarashad.


Jaamacada ee Heerka koowaad iyo Labaad, isagoona ardayda kula dardaarmay in waxbarashada sii wadaan.


Waxaana uu halkaasi ku gudoonsiiyey biladihii loogu talo gallay ardaydii kaalmaha hore gashay


 
 
 

 

Loading...
Loading...