Maareeyeha Dekeda Berbera Oo SHaqadii Qaranku U Hayay Ay Ka Luntay+Khaladaadka uu sameeyay

0
Monday August 26, 2019 - 15:58:06 in Articles by
  • Visits: 2189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyeha Dekeda Berbera Oo SHaqadii Qaranku U Hayay Ay Ka Luntay+Khaladaadka uu sameeyay

    Maareeyeha Dekeda Berbera Oo SHaqadii Qaranku U Hayay Ay Ka Luntay+Khaladaadka uu sameeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyeha Dekeda Berbera Oo SHaqadii Qaranku U Hayay Ay Ka Luntay+Khaladaadka uu sameeyay



Nin wadiifad haystaa haduu wadi garan waayo maalintuu ugu jecelyaa laga wareejiya tan iyo maalintii uu madaxweynaha jamhuuriyada somalilandka khudbadeyey marsada dekada berbera dhexdeeda Waxaa uu madaxweynuhu siiyey amar dawladeed masuulka u jooga dekada berbera



1: balse amaradii uu madaxweynuhu bixiyey maxaa ka hirgaley ma noqdeen kuwa fuley?


2: ma dhaqan galiyey maamulka u jooga xukuumada dekada berbera amrkii madaxweynaha?


sida aynu ognahey ama aynu ka wada socono baraha bulshada tan iyo maalinkaas amarka madaxweynuhu siiyey wax amar qadasho ah oo uu fuliyey maamulka dekada berbera ma jiraan.


marka la eego cabashada shaqaalaha dekada berbera qaybta muruq maalka oo maalin iyo habeen la taagna cabasho ay ka muuqato awood daro tvyada dalka jamhuuriyada somaliland.


iyaga oo ka cabanaya shirkado gaar loo leyahey oo soo kala dhex galey shirkada dhiseysa dekada cusub ee berbera iyo shaqaalaha muruq maalka ah iyadoo ay shaqaaluhu hadalada u dhigeyn in maamulka dekada iyo rag badan ay ka hoos sameysteen shirkado macaash doon ah.


balse maamulka dekada ayaan wax dhexgal ah sameyn shaqaalaha dekada iyo kuwa dhisaya iyadoo amarkii madaxweynaha ay aheyd in uu ku maamulo shaqada kuwajooga iyo kuwa imnaya dalka wixii shaqo ee maamul dekada berbera ah.


3:: ma is odhan karnaa waxaa ay wax ka jiraan hadaladii kasoo yeedhey muruqmaalka dekada berbera kol hadii wax jawaaba laga odhaniyadoo waliba cabashadoodi uu maamul ahaan xaq u lahaa maamulka dekadu ay noqotey mid aan waxba loo qaban shaqalaha cabanayey?


4: ma tahey amar diido madaxweyne kol hadii aan waxba ka fulin amarkii madaxweynaha mise waa itaal daro iyo aqoon laan lasoo daristey maamulka dekada berbera ?


may suurto galin dhamaan amarkii madaxweynuhu waxaa uu noqdey mid aan waxba ka jirin ilaa ay gaadhey in gacan ka hadlaan shicibkii somaliland ee shaqalaha muruqmaalki iyagoo cabanaya markii uu maamulka dekada dhag aanu jalaq ku siin.


isla maalinka waxaa uu maamulka dekadu kormeer itus oo imaqashii ah ku marey dekada cusub isaga oo kujirey shaqadii maalinlaha ahaa ee uu maamulnimo iyo shaqaale dawladeed uu ku ahaa u adeegsadey tvyada ka hawlgala magalada berbera su aasha is weydiinta leh ayaa ah.


5: ma odhan karnaa waxaa uu ku ilaabey shaqadii qarankani lahaa igu sawir kadib markii uu shaqadii xafiiskisa ka dhigey waxqabad cusub oo dekada ku imi marka loo isticmaalo tvyada gobolka lacag lagu smeysanayo magac iyada oo dekadii berbera maanta joogto meel aad u liidata shaqalihi ajaanibka ahaana buux dhafiyeen iyaga oo dadkii qarankani lahaa gaajo seexdan malin iyo habeen dhalintii wadanka ay ku madheen tahriib ?


6: waxaa ay maamulka gobolka iyo degmadu iyaga oo ilaalinya qiimaha dawladnimo ay hab ay ku jirto aqoon iyo wax qabad ku xaliyeen khilaafki dhaqalaha dekada ?


mee maamulki shaqada lahaa ?


waxaa ayaan daro ah in masuul dhan oo qaran la idhi u shaqee xalin kari waayo khilaaf xafiiskisa ah

iyadoo dhamaan awoodi maamul ee dekada berbera noqotey mid ay ka taliyaaan shirkad ajaanib ahi

kadib markii maamulki dekada berbera noqotey waqti fasax casimada hargeisa ah oo uu ku ilaashanayo kursigiisa raaligalinta qurbo joogta iyo igu sawirta wax qabad aan jirin.


tan iyo imka ayaa wli waxaa socda khilaaf xoogan oon wli kala go laheyn oo kolba dub u soo cusboonanaya ?


waxaa ay maanta ku 2 cisho shaqo joojin ka jirtaaa dekada berberaiyada oo masuulki xukuumada u joogey uu noqdey magac uyaal ku haftey xilkii loo doortey kadib markii ay ku dul maamuleen shaqadii loo doortey wasaarado aan aan haba yaraate laheyn xalinta khilaafka ganacsatada iyo dawlada?


mee maamulki dekada ee xalinta khilaafka lahaa una dhaxeyey shaqaalaha iyo ganacsatada dawlada somalida ayaa ku maahmahda ( baqal fardo la daaqdey faras bey is mooda ) marka loo eego maamulkan xilka u imka hayo iyo kii uu hore u hayey inay kala yihiin buur iyo banaan marka loo eego wax qabad laanta ka muuqata iyo cabashada taagan maalin walba een laheyn wax kasoo kabanaya.


maaha ceeb in shaqo lagu guuldareysta balse waxaa ceeba in xalin la waayo iyo af garad , midnimo ku jirto waxaan leyey is casil mudane maareye intaan lagu odhan duco qabe xilku waa meerto ileen tuhuna waa sade.


W/Q cabdiraxmaan cali ( samriye).


la soco qaybaha danbe sawiro iyo vedios cadeynaya waxaa uu ka qabsadey isagoo ku takrifalaya kana faa ideysanaya maamulka inta uu joogo iyo waqtigii hore.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...