Raysal Wasaare Khayre Oo Xil Cusub U Magacaabay Taliyihii Hore Ee Ciidanka Asluubta

0
Monday August 26, 2019 - 15:10:15 in News by
  • Visits: 3391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Xil Cusub U Magacaabay Taliyihii Hore Ee Ciidanka Asluubta

    Raysal Wasaare Khayre Oo Xil Cusub U Magacaabay Taliyihii Hore Ee Ciidanka Asluubta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Xil Cusub U Magacaabay Taliyihii Hore Ee Ciidanka Asluubta


Hargeysa(HWN):-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed u magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).




Ra’iisul Wasaaraha markii uu arkay qodobka 100-aad ee dastuurka KMG ah, markii uu tix-geliyay baahida loo qabo dib u howl gelinta Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, markuu tix geliyay waaya aragnimada Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, markii uu garwaaqsaday in lagama maarmaan ay tahay in loo howl galo sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uu xeeriyay:


  1. In dib loo howl geliyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, loona bedelo Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed

  1. In laga billaabo 25/08/2019, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

  1. In xarunta wakaaladda ay noqoto xaruntii hore ee Tika/Bisha Case ee Turkiga oo ku taalla degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee dowladdu bib-u-howl gelineyso si sare loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka, loona gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.


—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...