Run waa run waxaana u baahan qofkii daacad ah!!!!W/Q Cali Ismaaciil Mirre

0
Monday August 26, 2019 - 14:55:42 in Articles by
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Run waa run waxaana u baahan qofkii daacad ah!!!!W/Q Cali Ismaaciil Mirre

    c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

c


Ma ihi aqoonyahan weyn mana ihi siyaasi weyn waxaan ahay muwaadin dhab ah oo dalka iyo dadkaba jecel. Kuwa xukumada sax iyo khalad ku taageera iyo kuwa sax iyo khaladba kaga soo horjeeda way ii siman yihiin.




1) Madaxweynahu waa inuu sameeyo awood qaybsi. Haday noqoto beesha dhexe iyo beelaha darafyada. Xukumadiisa waa in laga dhex arkaa in dalka lawada leeyahay loona siman yahay. Xaalada dalku imika ku jirana awoodqaybsi cadaaladah ayaa degdeg loogu baahan yahay.

2) madaxweynahu waa qof kaliya hadii uu idhaa anigaa wax walba garanaya dalku socon maayo. Dad daacad u ah oo waxna qaban kara waa inuu ka dhigtaa dadka la shaqaynaya ama xukumadiisa hogaaminaya. Dadka ku xeeran ee talada inta badan ka qaatana waa inuu daacadnimo, karti iyo aqoon ku xushaa. Qabiilkiisa oo kaliyana laga heli maayo qabiil kasta waa laga helayaa. Dalkuna imika degdeg buu ugu baahan yahay in kala shaandheyn uu sameeyo oo karti, aqoon iyo daacadnimo kusoo xusho dad kale oo la shaqeeya.

4) dhaqaalaha wadanka waa in si cadaalada loo qaybiyaa. Waxa ina soo gala iyo waxa inaga baxa waa in si cad loo muujiyaa si cadaalad ahna loo qaybiyaa. Dheeftii dhaqaalaha wadanku meelo kooban buu kusoo ururay markaa waa in siman loo qaybiyo oo cad oo cid waliba arkayso kuna qanacsan tahay. Dhaqaalaha wadanka waa in qaab dalku oo dhani kuwada horumari karo loo qaybiyaa.

3) Caare danbi ayuu dalka ka galay waana in ciqaabtiisa uu maro. Askariga yar ee jiida hore kasoo baxsada waxa lagu xukumaa xukun aan cid ka cafin karin iyadoon qabiil loo eegayn. Caare jabhad ayuu dalka ka dhex bilaabay waana khiyaamo qaran. Waa in ciqaabta danbigiisa lagu qaadaa. Laakiin shuruuda ku xidhan waa in marka hore xukumada iyo dawlada cadaalad laga dhex arkaa oo cid kastaa dareentaa in dhib iyo dheefba loo siman yahay.

5) Arinta ceelafweyn waa arin qabiil oo waxa ugu fiican inay dhamaystaan labada qabiil ee is haya wixii ku kala maqana magta kala qaataan. Hadii gacan kale ku jirto oo cadawga dalka ah ama cadawga gudaha ah waxa waajib ah in dawladu cadayso oo wax ka qabato. Hadii cabashada ay xukumada lafteedu ka mid tahay waxa weeye in xukumadu cida cabanaysa dhagaysato wixii jirana wax laga qabto. Hadii labada dhinac mid aanu diyaarba u ahayn ama labaduba diyaar u ahayn nabad waxa khasab ah in dawladu awoodeeda nabada ku samayso.

5) xukumado hore ayaa inasoo maray oo maamulxumada, qabyaalada iyo musuqmaasuquba aad u badnaa. Hadii xukumadan imika jirta hogaankeedu ay damacsantahay in dariiqaas hore raacdo oo anigana markayga ay tahay, dhibteeda ugu yari waa in ta ka danbeysa hadii la gaadhaba iyana wadadaas uun raacdo ilaa dalku ka burburayo. Fursad baa hogaanka dalka maanta u banaan uu umada oo dhan iyo dalka oo dhan ku horumarin karo wado sax ah oo kuwa ka danbeeyana lagula xisaabtamana dalka ku rido.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...