Xisbiga (WADDANI) waxa la gudboon dhowr arimood oo daruuri ah...W/Q Faarax Cigaal

0
Saturday February 02, 2019 - 15:26:07 in Articles by Super Admin
  • Visits: 938
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga (WADDANI) waxa la gudboon dhowr arimood oo daruuri ah...W/Q Faarax Cigaal

    Xisbiga (WADDANI) waxa la gudboon dhowr arimood oo daruuri ah...W/Q Faarax Cigaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga (WADDANI) waxa la gudboon dhowr arimood oo daruuri ah...W/Q Faarax Cigaal Madaama wacyiga siyaasadeed ee wadanku ku sugan yahay arimo halis ku ah hab maamulka qaranka, waxa muhiim ah, in xisbigu dib u dhis gudihiisa ku sameeyo, si culays loo saaro xukuumada talada haysa ee kulmiye.

Si loo helo mucaarid adag oo shacabka ka difaaca, cadaalad darada, musuqmaasuqa, xadhiga muwaadiniinta ee sifaha sharci daro u xidhan, oo hada aad u sii badanaya.

Si loo abaabulo dareenka shacabka ee ku dhiban maamulka xukuumada Kulmiye, waxa xisbiga la gudboon iyaga oo muujinaya dareenka shacabka, In si sharciga waafaqsan xisbigu u abaabulo banaan baxyo muujinaya dareenka shacabka, oo ka dhaca lixda gobol ee Somaliland.
Waa masuuliyad xisbiga saaran In la abaabulo dareenka shacabka ee taageera xisbiga.


Waxa sidoo kale iyana muhiim ah -

* In xisbigu soo dhiso xoghayayaashi 
wasaaradaha (opposition cabinet), si meel 
ku gaadh ah, ka hor shirka golaha dhexe.

Waayo, mucaarid aan lahayn opposition cabinet, siduu mucaarid ku noqon karaa?

Wasaarad waliba waxay u baahan tahay xoghaye ka war haya hawsha qaran ee ay qabato, sida ay qorshaha dowlada u gudato, waxa u qabsooma iyo waxa ka qabyo ah, si loo helo isla xisaabtan.

Constructive criticisms.

W/Q Faarax Cigaal
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...