Madaxwayne Muuse Biixi Oo Xalay Kormeeray Wadooyinka Hargaysa SAWIRO

0
Saturday March 16, 2019 - 10:01:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Muuse Biixi Oo Xalay Kormeeray Wadooyinka Hargaysa SAWIRO

    Hargaysa -(HW)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeennimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 15-03-2019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa -(HW)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeennimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 15-03-2019 waxa uu kormeer ku soo maray dhismaha waddooyinka degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge oo uu madaxweynuhu hore amar ugu bixiyey in dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo, wakhtiganna gacanta lagu hayo iyadoo qaybo badan oo kamid ahna la dhisay.



Kormeerkaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu la caweeyey qaarka mida shacbiga ku dhaqan caasimada, kuwaasoo isugu jiray madaxda dhaqanka, culimo, dhallinyaro iyo aqoonyahan ku sugnaa wakhtigaasi Hotel Golden oo ka mida Huteellada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku yaalla.


Waxaana madaxweynaha Kormeerka ku wehelinaayey Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbi xaakimka Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo taliyaha ciidanka ilaaladda madaxtooyada, General Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud.


Wa-bilaahi Tawfiiq

Loading...
Loading...