Wasiirka Biyaha Iyo Agaasimaha Ha'yadda HAVOYOCO Oo Kormeer Ku Sameeyay Kaabayaasha Biyaha Ee Tuulooyin Hoos Yimaad Gobolka Awdal.

0
Sunday August 25, 2019 - 18:36:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Biyaha Iyo Agaasimaha Ha'yadda HAVOYOCO Oo Kormeer Ku Sameeyay Kaabayaasha Biyaha Ee Tuulooyin Hoos Yimaad Gobolka Awdal.

    Wasaarada Horumarinta Biyaha Jamhuuriyada Somaliland oo Kaashanaynaysa hay'adda HAVOYOCO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Horumarinta Biyaha Jamhuuriyada Somaliland oo Kaashanaynaysa hay'adda HAVOYOCO ayaa waxay ka shaqaynayaan Horumarinta Kaabayaasha Biyaha ee magaalooyin hoos yimaad degmooyinka Baki iyo Dila sida tuulooyinka dharaar waxar.Geed-diqsi iyo Fadhixun

 

WasiirKa Wasaarada Horumarinta Biyaha Mudane Saleebaan Cali Koore oo uu weheliyo Agaasimaha Ha’yadda HAVOYOCO mudane cabdilaahi maxamuud Xassan ayaa kormeer ku soo maray tuulooyinka Geed-diqsi iyo Dharaar Waxar

 

 

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Jamhuuriyada Somaliland oo halkaa ka hadlay ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay inuu aad uugu faraxsanahay in uu soo kormeero shaqada oo si rasmi ah u socota, Waxaanu Hadalkiisa ku daray in Horumarinta Kaabayasha Biyaha ay Dawlada Somaliland siisay Mudnaanta koowaad  Maadama Biyuhu yihiin aasaska Nolosha

 

Sida aad ogsoontihiin, Wasaaradda Horumarinta Biyuhu , Waxay Qaranka Somaliland uuga masuul tahay oo u xil saaran tahay horumarinta,samaynta  iyo koboca kaabayasha Biyaha ee Dalka oo dhan

 

Hadaba, iyada oo ka duulaysa awooda sharci ee ay u leedahay hawshan baaxada leh, Wasaaraddu waxa ay ku hawlan tahay in meel kasta oo ka jiraan baahiyo biyo ay helaan biyo nadiif ah.

 

anaga oo kaashanaynayna Hayada Wadaniga ah ee HAVOYOCO waxa tuulooyinka dharaar waxar iyo geed-diqsi loo dhisayaa ceelal wata solar sidoo kalana waxa loo samayn doona piping systemka biyaha

 

 

Ugu danbayn, Wasiirku Wuxuu u mahadnaqay masuuliyiinta Ha’yadda HAVOYOCO shaqada wacan ee ay qabteen,Waxaanu  faray, dhammaan Masuuliyiinta  kulankan ka soo qaybgalay, in ay taageeraan dhamaan qorshayaasha Qaranka ee lagu Horumarinayo kaabayaasha Biyaha Somaliland,

 

 


Loading...
Loading...