Soomaaliya:-Wasiir Ganafka Ku Dhuftay Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Iyo Dooda Uu Aaminsan Yahay

0
Sunday August 25, 2019 - 16:51:50 in News by
  • Visits: 3489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya:-Wasiir Ganafka Ku Dhuftay Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Iyo Dooda Uu Aaminsan Yahay

    Soomaaliya:-Wasiir Ganafka Ku Dhuftay Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Iyo Dooda Uu Aaminsan Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya:-Wasiir Ganafka Ku Dhuftay Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Iyo Dooda Uu Aaminsan Yahay

Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday wasiirkii qorshaynta maamulkaasiCabdikaafi Maxamed Maxamuud.

Ka dib wareegtada uu soo saaray madaxweyne Xaaf, waxa xil ka qaadistiisa ganafka ku dhuftay wasiir Cabdkaafi Maxamed Maxamuud, kaas oo ku dooday inaanu madaxweyne Xaaf ka qaadi Karin xilkan uu hayo.

Wasiirkan ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyey oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi "'Su'aasha isweydiinta leh waxey tahay Nin aan xil heyn xil maqaadaa marka hore, madaxweynihii hore ee Galmudug, Anniga iyo Isagaba hadda ku simayaal ayaan nahay waxaanan sugi doonaa maamulka danbe ee dhismaya''

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayey ku noqonaysaa wajib gabax diidmada kaga timid wasiirkiisa qorshaynta ee uu wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa ku sheegay inuu xilkii ka qaaday.

Dhinaca kale hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka la sheegay in xilka laga qaaday ayaa sii xoojinaya khilaafka ka dhaxeeya xubnihii markii horeba isku biiray ee ka kala tiranaa Galmudug iyo maamulkii Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

Loading...
Loading...