Dhirta Beera, Maanso Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash.

0
Sunday August 25, 2019 - 10:48:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhirta Beera, Maanso Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash.

    Maansadani waa maanso ka hadlaysa faa'idada dhirta in haddii la beero ay ka qayb qaato,roobka,billicda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadani waa maanso ka hadlaysa faa'idada dhirta in haddii la beero ay ka qayb qaato,roobka,billicda
quruxda lana dagaalanto nabad guurka iyo abaarta .
dhirtu sideeduba,
in la dhayay mudantahay,
dhaqaalooyin la galiyoo
lagu tallaalo dhoobada,
gudmooyin dhaadheer,
dhexdeeda lagu jarin
dhuxul loogu beddalin,
cilmigu sidoo dhigo,
haddii aad yar dhugato,
dhuuxeeda eegto
inay  dheefi ku jirtaad
ka dhadhansanaysaa,
marna billicdiyo dhulko idil
dhamanteeed haggaajiso
marna dhibaca roobkee
samadaa kasoo dhaca'a
ay dhowrtu iyadu 
marna dhanka quruxdee,
indhuhu la dhacayaanbay,
qayb dhan ka qaadataa.
dhirtu nolosha weeye
dadweynoow ku dhiiradoo,
dhaqaaqo haddaba beer
hamse riraasj 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...