"Dhiigmiiratadu Ha U Hoggaansamaan Sharciga Xukuumadda" Siyaasi Ramaax Oo Taageeray Amar Ay Soo Saartay Wasaarada Ganacsigu.

0
Sunday August 25, 2019 - 10:18:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dhiigmiiratadu Ha U Hoggaansamaan Sharciga Xukuumadda" Siyaasi Ramaax Oo Taageeray Amar Ay Soo Saartay Wasaarada Ganacsigu.

    Hargaysa(HWN):-Xisbiga Mucaaradka ah UCID, ayaataageeray isla markaana soo dhaweeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Xisbiga Mucaaradka ah UCID, ayaataageeray isla markaana soo dhaweeyay tallaabo ay Xukuumaddu qaaday oo la dhaqan galiyay.

 

Tallaabada Xukuumaddu qaadday ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Taageeray ayaa ah   Go,aankii  Wasaaradda  Ganacsiga  Dalxiiska iyo  Warshadaha  Somaliland ay ku laashay  Lacago  laga  qaadi jiray  Koonteenarada lagala soo dego  dekeda  magaalada Berbera.

 

Xoghayaha  Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Cali SaLeebaan  Ramaax oo shalay la hadlay Telefishanka  Horyaal ayaa   usoo jeediyay  Ganacsatada   in ay  u hoggaansamaan   Go,aankaa Wasiirka Wasaarada  Ganacsiga Dalxiiska   uu ku joojiyay lacagaha dheeraadka  ah ee laga qaadi jiray  Koonteenarada ka soo dega dekedda Berbera.

 

Xoghaye Ramaax oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi."Waxa aan leeyahay dhiigmiiratadu  ha u hoggaansamaan sharciga Xukuumadda  ee umadda loogu danaynayo boqol iyo konton iyo shan doolar ayaa laga qaadi jiray halka Koonteenar oo khalad ahayd,waxaana laga faa’iidaystay xiligii kala guurka,waxa qaadanayay qof  wax shaqo ah oo uu ummadda u qabanayaa aanay jirin ganacsatadu way dareensanayd ninka 100    Koonteenar keenayay wuu isbixinayay,laakiin  Ganacsatada   hal Koonteenar keenayay way dhibaysay in  150 doolar laga qaado   sidaa daraadeed  waan soo dhawaynayaa  waanan hambalyaynayaa  go,aankaa Wasiirka  ka soo baxay.”.


Loading...
Loading...