Ishaarooyinka jidhka [= Body languages] W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi
Bilmatal haddii aynu isku dayno in aynu qof darisno ama u kuurgalno waxa uu dareemayo ee laabtiisa ku jira (Inkasta oo Eebbe weyne yahay ka keliyaata ee ogsoon waxa qaraoon); waa in aynu eegnaa oo dhawrnaa ishaarooyinka ay bixinayaan jidhkiisu oo ah waxa loo yaqaan (Body languages).
In la derso xaaladda qof ku sugan yahay ama la la socdo ishaarooyinka jidhkiisa iyo dareemayaashiishu bixinayaan waa kuwo adduunka si weyn loogu kuur galo. Waa barta iyo barada ay ka shiidaal qaataan culimada baadha denbiyada iyo gabood fallada (Forensic Criminology).
Marka aad damacsan tahay in aad qof kugu cusub aad la kulantid, inaad barataa ishaarooyinka jidhka waa kuu muhiim.
Haddii aanay weli ka daadegin in ishaarooyinka uu bixiyo jidhku ay illaa xad muhiim tahay. Waxa aad ku qanci kartaa xisaab xidhkan la sameeyay dhowaan (Statistics).
7% warbixintii la helay waxa laga la soo dhex baxay waxii ay ku hadlayeen.
38% waxa laga la soo dhex baxay nooca uu codkoodu yahay. Ma hoos ayay u hadlayaan mise kor ayay u hadlayaan. Xawaaraha codka, iyo nooca hadalkiisu yahay.
Haddaba midda la yaabka ahi waxa ay tahay in 55% ay tilmaan ka bixiso ishaarooyinka uu jidhkiisu bixinayo. Sida uu u taagan yahay, qaabka uu u fadhiyo, barta uu eegayo. Kuwaas oo dhammaantood u taagan astaan gaar ah.
Kama dhigna in marka aad qof la kulmaysid in aad ku mashquushid ishaarooyinka jidhkiisa, balse sidoo kale waa in aad xoogga saarta oo dhagaysataa hadalkiisa.
Mararka qaarkood waxa dhici karta in ishaarooyinka jidhka ee qofku bixinayo aanay farriin toos ah ka bixin karin qofka. Sababta oo ah xaaladda qofku ku jiro oo saameyn weyn ku yeelata qofka. Tusaale, haddii qofku werwer iyo walbahaar ku dhan yahay ishaarada jidhkiisu bixinayso sax ma noqon karto. Sababta oo ah qofkani is ma oga.
Astaamaha ishaarooyinka jidhka [=Body language signals]
• Gacmo furan (Open hands): haddii qofku u fadhiisto si gacmahiisa oo sii daysan ah waa qof firfircoon oo misena nugul, marka la barbardhigo qofka gacmaha isku laaba.
Waa qof la la xaajoon karo oo laab fayow.
• Gacmo laabta saaran (Palms on chest): waxa ay tilmaan ka bixinaysaa in qof kaasi yahay qof daacad ah.
• Gacmo is ku laaban (Folded arms): tani waxa caddaynaysaa in qofkani yahay shakhsi difaac ku jira. Sidoo kale qof u diyaarsan in diidmo qayaxan bixiyo. Sidoo kale haddii dhinaca kale laga fiiriyo, waxa ina tusaysaa in qofkani dhaxan iyo qabow dareemahayo.
• Qofka isaga oo isla maqan wax sawiraya (Doodling) : Taasi waxa ay caddaynaysaa in qofkani yahay qof caajis iyo wahsi badan dareemaya.
• Qofka oo feedh duubta (Fist): waa qof cadhaysan oo u baahan in laga taxaddaro. Waxa uu sidoo kale noqon karaa qof qabow gacmaha ka dareemaya. Sidoo kale waxa uu noqon kara qof cadhaysan.
• Kursiga oo cagaha la hoos geliyo ( Feet under the chair): Waxa ay tilmaamaysaa qof is la weyn oo kibir ku jiro (eagerness).
• Qofka oo hareeraha eeg-eega (Looking around): Waxa ay caddayn u tahay ; qof raba in uu
baxsado ama tago. Sidoo kale waxa ay noqon kartaa qof goobta iyo kobta ku caajisay. Sidoo kale, haddana waa qof baxsan oo wax kale ka fekeraya.
• Gadhka oo la salaaxo (Stroking chin): Waxa ay tilmaamaysaa in qofkaasi qiimayn ku jiro oo uu xaalad qiimaynayo.
Mararka qaarkood waxa dhacda in iyada oo xaalad caadi ah lagu jiro in dadka ishaarooyinka jidhkoodu bixiniyaa isku mid noqdo. Waxyaabaha ay iskaga mid noqon karaan waxaa ka mid ah:
• Neefsiga (Breathing)
• Dhaq-dhaqaaqa jidhka (Gestures)
• Dhaq-dhaqaaqa isha (Eye movement)
• Lugaha oo la is dul-saaro (Crossing legs)
• Qaab-dhaca hadalka (Speech pattern)
• Xaaladda farxadda iyo debecsanaanta ( Feeling happy or excited).
Hammaansi (Yawning): Waxa ay tilmaamaysaa caajis qof ku jira.
• Mararka qaarkood caajiskaasi waxa uu noqon karaa mid aan la xidhiidhin xaaladda lagu jiro, oo waxa ay noqon kartaa mid qofka ku kooban.
• Dhagta oo la sallaaxo (Ear tugging): Waxa ay ka dhigan tahay in qofkaasi yahay qof dhankiisa khiyaamo ka iman karto. Sidoo kale waxa ay tilmaamaysaa qof go'aan gaadhi kari la'.
• Madaxa oo la ruxo (Nodding): Waxa ay caddayn u tahay in qofkaasi si fiican kuula socdo. Oo uu mawdduucana xiisaynayo.
• Madaxa oo in badan la ruxo (Too much nodding): Tani waxa ay tilmaamaysaa in qofkii daalay oo aad hadal ku harqisay ooddana kaga qaadday. Qofkii caajis dareemay, kaddibna uu madaxii kor iyo hoosba u ruxay si is-daba joog ah.
Haddaba si aad u dhugatid docda iyo dareenka qofka, waa inaad tixgelisaa booska iyo space-ka qofku kuu jiro. (Body space). Waa in aad qofka u jirtaa in leeg dhudhunkaaga si qofkii u nafiso, istereex na u dareemo.
• Qofka oo hadalka dedejiya (Striding briskly): Waa callaamad muujinahaysa laba midkood: In qofkaasi yahay qof isku kalsoon, amma in uu yahay qof xanaaqsan.
• Qofka oo si deggan lugta u ruxa (Gentle leg shaking): Waxa ay tilmaamaysaa qof yara firfircoon. Ama waxa weeye in qofkaasi rabo in uu kiniifka aado.
• Qofka oo si aad iyo aad ah lugta u ruxa (Extensive leg shaking): Haddiiba qofku lugta uu si aad ah u ruxo; waxa ay dhigantahay in qofkaasi neerfayaasha iyo dareemayaashu kacsan yihiin. Ama sidoo kale waxa ay sheegaysaa in qofkaasi si aad ah u rabo in uu kiniifka aado (Desperate to go to toilet).
• Qofku marka uu cunaha ka sandaarsado (Clears throat): Waxa ay sheegaysaa in qofkaas welwel iyo welbahaar ku dhan yahay. Iyo sidoo kale in qofkaas duray hayo. Ama in ay qofkaas caado ka tahay in uu (Eeexxx) yidhaahdo.
• Dhabanada oo gacmaha la saaro : Waxa sheegtaa in qofkani qofka kale la cajabsan yahay ama ashqaraar ku dhan yahay. Sidoo kale waxa ay tilmaantaa in qofkani yaxyax san yahay, inkasta oo tani mar-mar dhacdo.
• Indhaha oo dibedda u soo baxa (Dilated pubils): Waxa ay tilmaamaysaa in qofkani qofka kale oo meesha fadhiya xiisaynayo. Sidoo kale in uu wax danaynayo (Focused). Ama in uu maandooriye soo isticmaalay.
• Qofka oo indhaha biliq-biliq badan ka siiya (High blink rate): Waxa inna tusinaysaa in qofkaasi yahay qof cadho badan. Sidoo kale in qofkani yahay qof wax qiimaynaya. Ama sidoo kale in xanuun indhaha ka hayo.
• Qof gacmahiisa miiska had iyo jeer ku garaaca (Drumming fingers): Waxa sheegtaa qof bilaa dulqaad ah in uu yahay. Ama in weligii iska ahaa qof faraha iska taag-taaga.
• Afka oo la kala qaado (Open mouth): Waxa ay sheegaysaa qof yaabsan. Ama qof wax ay soo jiidanayaan.
• Qofka oo ciddiyaha cuna (Chewing nails): Waxa ay tilmaamaysaa in qofkani yahay shakhsi stress haysto oo aan nabad gelyo dareemayn.
• Qofka oo farahiisa timaha madaxa geliya( Running fingers through hair): Waxa tilmaamaysaa in qofkan dhibaato haysato (Frustration) amma waxa ay sheegaysaa in qofkani yahay qof kibir badan.
• Suniyaha oo kor loo qaado ( Raised eye brows): Waxa ay tilmaamaan qof wax la yaabban ama tacajjabsan.
W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi Twitter: @Adendheere04
WhatsApp Number: 00252634264366
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!