Maxaa Looga Deeyrinayaa Macdanta Laga Sameeyo Baytariga Telfoonada?
Balse qarnigi 20-aad ayaa la ogaaday in macdantani ay muhiim u tahay tiknoolajiyadda casriga ahi. Macdantani ayaa hadda laga sameeyaa qeybo ka mid ah matoorka diyaaradaha iyo qalabka biraha lagu jaro.
Arrintaasi ayaa macdantani muhiim ka dhigtay
balse waxa u fududeeyay shirkadaha maalgashiga ayaa ah in macdantani laga
sameeyo batariga la dabayn karo ee maanta dunida laga isticmaalo.
Sidaa awgeed ayay shirkadahani macdantan ku tilmaameen "dahaka baluugga ahi".
Laga soo billaabo sanadkii 2008, waxaa aad usii kordhay baahida loo qabo taleefoonnada casriga ahi oo u baahan batari si dhakhsa ah loo dabeyn karo.
Muddo haatan laga joogo afar sano ka hor, waxaa
isticmaalka macdantani sii kordhiyay baabuurta casriga ah ee korontada ku
shaqeeya.
Laga billaabo sanadkii 2016 ilaa 2018, waxaa
cirka isku sii shareeray qiimaha macdantani Koobalt waxaana halkii tan uu
gaaray 90 kun oo doolar halka markii hore uu ka ahaa 26 kun oo doolar.
Inkabadan 50% baahida haatan loo qabo macdantan
ayaa ku saleysan batariga laga sameeyo halka waddamada reer Yurub iyo
Mareykanka macdantani aad loogu isticmaalo muraayadaha.
Haseyeeshe sanadkii la soo dhafaay waxaa hoos u dhacay qiimaha suuqyada caalamka lagu kala iibsado macdantani.
Usbuucan ayaa shirkadda macdanta ka shaqeysa ee
Glencore waxa ay albaabda isugu dhufatay oo ay xirtay goob macdanta Koobalt
laga qodo oo lagu magacaabo Mutanda oo ku taal dalka Jamhuuriyadda
Dimuquraadiga ee Congo, waxaana ay sheegtay in macdantaasi ay haatan qiimo
beeshay.
Arrintaasi ayaa waxaa sabab looga dhigay shirkadaha qaar oo billaabay in ay keydsadaan macdantan si marka uu sicirkeeda isbadalo ay macaash uga helaan.
Waxaa kale oo haatan hoos usii dhacaya baabuurta
korontada ku shaqeeya.
Arrinta kale ayaa waxa ay tahay warshadihii farsameyn jiray macdantan gaar ahaanna kuwa ku yaal qaaradda Afrika iyo dalka Shiinaha ayaa keydsanaya macdantani iyaga oo ka rajo qaba in mustaqbalka ay ka macaashaan.
Warshadahani ayaa billaabay in suuqyada ay ku sii
daayaan macdantii muddada ay keydsanayeen ka dib markii la ogaaday in ay haatan
yaraadeen baabuurtii korontada ku shaqeynayay.
Inkabadan 60% macdanta Koobalt ee dunida laga isticmaalo ayaa waxaa laga keenaa dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo, oo sida la sheega macdantani uu u yahay sida shidaalka dalka Sucuudiga.
Balse khubarada ayaa sheegaya in ay adag tahay in lagu dhex ganacsado dhalkaasi Congo.
Inkastoo dalkaaasi doorasho dimuquraadi ahi ay ka dhacday bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay, haddana xaaladda siyaasadeed ee dalkaasi ayaa ah mid marnaba aan la saadaalin karin.
Laba bilood ka hor, in kabadan 40 qof oo si
sharci darro ah uga shaqeynayay goob macdanta laga qodo oo ay leedahay
shirkadda Glencore ayaa dhintay ka dib markii ay ku dumeen godadkii laga
qodayay macdantani.
Hay'adda Unicef ayaa sheegtay in qiyaastii 40,000 oo carruur ah ay ka shaqeyaan guud ahaan dalka Congo.
Hay'adda xaquuqul insaanka ee Amnesty waxa ay
shirkadaha Apple, Samsung iyo Sony ay ku eedeysay in ay ku guuldareysteen in ay
xaqiijiyaan in carruurtu aysan ka mid noqon shaqaalahooda. Haseyeeshe
shirkadahani ayaa arrintaasi beeniyay.
Inakstoo shirkadaha sameeya taleefoonada lagu dhaliilay arrintaasi, nasiib wanaag waxaa eedeymahaasi ka badbaaday shirkadaha sameeya baabuurta.
BBC