Dawlada Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixisay Codsi Uga Yimid Guddi Ka Socota Midawga Yurub Oo Ku Saabsan Dacwada Bada Ee Soomaaliya Iyo Kenya

0
Saturday August 24, 2019 - 19:54:31 in News by
  • Visits: 4818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixisay Codsi Uga Yimid Guddi Ka Socota Midawga Yurub Oo Ku Saabsan Dacwada Bada Ee Soomaaliya Iyo Kenya

    Dawlada Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixisay Codsi Uga Yimid Guddi Ka Socota Midawga Yurub Oo Ku Saabsan Dacwada Bada Ee Soomaaliya Iyo Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixisay Codsi Uga Yimid Guddi Ka Socota Midawga Yurub Oo Ku Saabsan Dacwada Bada Ee Soomaaliya Iyo Kenya

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay codsi uga yimid midawga yurub oo la xidhiidha dacwada bada ee u dhaxaysa wadanka Kenya.

War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee soomaaliya ayaa lagu sheegay in guddi ka socday midawga yurub ay dalbadeen inay dhagaystaan dacwada bada ee u dhaxaysa Muqdisho Iyo Nairobi balse ay dawlada Soomaaliya ku wargelisay in dacwadaasi ay hortaalo maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

Warka ka soo wasaarada arimaha dibada ee soomaaliya intaas ku daray in guddidan ka socotay midawga yurub lagu wargeliyey inaanay jirin sabab keeni karta inay dhagaystaan dacwada bada ee u dhaxaysa soomaaliya iyo Kenya iyo baahi keenaysa inay soo dhexgalaan.

Maxkamada ayaa lagu wadaa in 9-13 bisha September u fariisato dhageysiga wareegii labaad ee dacwada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya,

Wasaaradda ayaa sheegtay in halka ugu danbeeya ee lagu kala baxayo tahay Maxkamada, islamarkaana aysan wax gorgortan ah ka gali doonin.

Kenya ayaa u muuqata in ay cadaadis dhinacyo badan ku saareyso Soomaaliya in ay ka laabato dacwada badda taa badalkeedana wax walba lagu dhameeyo hab wada-hadal ah.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa taa badalkeeda si is daba joog uga adkeysaneysa in ay ku kalsoon tahay ugu danbeyntii go'aanka ay kiiskan ka gaarto maxkamada ICJ ee qaadeysa dacwada labada wadan.

Loading...
Loading...