"Horumarku Suuragal Maaha, Hadanay Wax Iska Badelin Wasarada Waxbarashada ".....W/Q CABDALE GAXNUG.
"Horumarku Suuragal Maaha, Hadanay Wax Iska Badelin Wasarada Waxbarashada ".....W/Q CABDALE GAXNUG.
Nidaamyada waxbarashada dugsiga sare ee Somaliland waxaa saaran cadaadis, culays iyo cuna-qabatayn dad-ban oo waxbarasho, yaraynaysana u adeegida ardayda waxbarashada loogu tala galay dhammaan dhaqdhaqaaqa iyo qaadashada waxbarashada aasaasiga ah ee balan qaadkii xusbiga Kulmiye waagii MD silanyo, inay wax barashadu noqoto mid bilaashka ah, taasi waxay dhalisay horumar la taaban karo oo ku kordhiyay isqorista heerka koowaad dad badan balse nasiib daro hada saaxada ka baxday.
Siyaasad-dejiyeyaasha, barnaamij-fuliyayaasha iyo maaraynta maamulka waxbarashadu Somaliland waxa looga baahan yahay caddeyn ku saabsan istiraatiijiyado waxtar u leh kordhinta ka-qeybgalka waxbarashada dugsiga sare, wanaajinta barashada iyo kor u qaadista ku habboonaanta waxbarashada dugsiga sare ee hoos u dhacday hada. Waxana marag ma doona iskuladii hoose/dhexe iyo dugsiyadii sare ee Somaliland ugu talo gashay kaabista dadwaynaha, inay manta ka aradan yihiin daryeelida yactirka dugsiyada waxbarashada dibada ka joogan, iyadoo waliba cashuurtii shacabka laga qaado sanadka kasta.
Marka la eego baaxadda iyo kakanaanta caqabadaha haysta waxbarashada dugsiga sare ee kala duwanaanta duruufaha iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in la wanaajiyo natiijooyinka, ay sababtay niyad jab.
Qorshayasha qaranka waxa lagu muujiyey in barnaamijyada tayaynta waxbarashada kor lagu soo qaado lacag, lagu dardar galinaayo ka qeyb-galka diyaarin macalimiin tayo leh, dugsiyo bilic leh iyo arday feejigan oo qaadata kaalinta waxbarashada dugsigayada sare laakiin waa la ogyahay inaanay jirin istiraatiijiyad cad oo yaraynaysa caqabadaha dugsiyada.
Dhallinyarada waxbarashadu waxay ka saaraysa suulinta jahliga iyo wax qabad la’aanta balse waxa u badashay cunida Qaad iyo caadaysiga qabyaalad ku dhaqanka, waana dariiqo siloon oo ubax dalka hadaan laga gaadhiin, oo loo abuurin fursad barasho aqooneed ama farsamo gacmeed dhalin karta halaag saamin badan ku yeesha bulshada, masuuliyadeedana leedahay dawlada Somaliland.
Tan dib-u-eegiddu waxay soo koobeysaa natiijooyinka ka soo baxaya hoos u dhaca dugsiyadii dawladu gacanta ku haysay, waxayna muujinayan baahida qalabka la'aanta, barabaxa ardayda ka dabar go’aysa dugsiyada iyo bayhoofka dabayluhu wehelka u noqdeen hoygii aqoonta da’ayarta lagu talo galay, inan wax culaysa diiradda lagu saarin xalka daraasad adag ee Saameynta leh, aanay marnaba uga muuqan dareenka wasarada waxbarashada .
Hadal waa ma dhintee, halkan booramaha, boholaha iyo bog dilaaca dooxa wayn noqotay waa goob waxbarasho, oo laga rabay inay soo saarto kumanan halyaya, oo hogaanka u qabta dalkooda haseyeeshee ma helin hilinkaa, dugsigan Waran Cade Secondary wuxu ku yaala bariga magalada Hargeysa, degmada gacan libaax waana degmooyinka ugu waawayn gobolka M/Jeex, waxana ku nool bulsho aad u badan, maantana wuxu la’ayahay wax qabadkii wasarada ku waajibka ahaa , oo noqotay albaabkii laga galaayay meel biyo mareena, bahalaha iyo tuugtuba gabaati ka dhigteen.
Si kastaba ha noqotee, tani waxay u badan tahay inay si dhakhso ah u sii ba’abayan dugsiyadii dawlada maadaama ardayda dugsigayadu maanta ay dugoobayaan, kuna filnayn adeegii dugsiga sare ,lana tabayo doorki dawlada sida wadamadu ugu dadaalayaan inay kaafiyaan yoolalka lagu dejiyey Horumarka Joogtada ah, oo ay hormuud u tahay kobcinta waxbarashadu inay tacabkii iyo taageeradiiba nabad guurinaysa deeganta aqooneed ee samaheedu wacnayn.
Isla mar ahaantaana, waxan ugu baaqayna wasarada waxbarashada inay wax ka qabato, dugsiyada Hooese iyo sare-ba ee u baahan Samayn shaqo wanaagsan oo u diyaarinta ardayda qaan-gaarnimada maskaxeed iyo hubinta inay dhab ahaan wax bartaan inta ay ku jiraan dugsiga, kuna qalabeeyan xirfadaha iyo aqoonta ee ay ugu baahan doonaan si ay u noqdaan shaqaale wax soo saar leh iyo ka qeybgale buuxa bulshada dhexdeeda.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...