Wada Hadalada Hubka Dhigista Casrigan. Q3aad. Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.
Si da Claahi Maxamed Ducale ka sheekeeyay iyo Geesba. 1999 mar wafdi
culus ugu kicitimeen, Washington. kuna beegnay 30 guurdii Cigaal ee 1969
safarkiisii hore markuu Rai’salwasaaraha Somalia ahaa. aqalka cadna
booqday halka uu madaxwaynihii wakhtigaa la kulmay.
Wasaarada
khaarajiga Maraykamku waxay u qorshaysay kulan heer sare ah. ugu
mudnayd Susan Rice oo diplamaasiyada Washigton dadka ugu caansan ah.
Xilal badana qabatay sida Qunsulka UN ta, lataliyaha amaanka maraykan
iyo kaaliay wasiirka khaarajiga ee Africa u qaabilsan.
Wakhtigaa waxay joogtay Wasaarada arrimaha dibada kaaliya wasiirka
khaarajiga ee Africa, Susan Rice oo African ameericaana Kulan kii markii
Cigaal iyo Susan Rice jilbaha is dareen Cigaal waxa uu dareemay in
luqaday ku la hadlayso u qalmin. kana hoosayso meqaamkiisa
diplomaasiyadeed, sidaa daraadeed qaabka diblamaasiyada dunida isagoo
raacaya, wuxu ugu jawaabay si adag oo aan gabasho lahayn mawqifkiisuna
cad yahay sida cadceeda.
Intaasi markii ay dhacday xaaladu waxay gaadhay in Cigaal kulanka ka kaco gabdhii oo fadhida kursigeeda. halka wasiiradiisii sida Claahi Maxmed Ducaale oo wasiirka Dibada ahi lad-qabe iyo dajin ku soo dhex galo. Arrintiina markii dambe dajiyay.
Dhacdadaasi
waxay toosh wayn ku ifinaysaa in Cigaal badheedhihiisa marna indha
ugama duwin gabadhaa dawlada balaadhan matalaysa ee dunida ku hor
kaadida. Taasi oo cashar ugu filan dhamaan dadka matalaaya qarankan. In
wakhti laga taag darnaa iyo xaalado kala duwan oo qalafsan. madaxeenu
taagnaa oo marna hoos loo dhigin. In duli la hoorsado balse sharafta
waxba ma gooyaan. Wax kastana waa loo huraa. Meeqaamkaagu noocuu doono
ha ahaadee isagaa lagu faanaa. Lama huraan waa caws jiilaal.
Waxaan xasuustaa markuu soo guryo noqday Cigaal in uu khayriyada oo
hanuunin bulsho, oo joogta ahayd. duruus culus iyo muxaadarooyin
waawayn, iyo doodo aanu xaqiiqda waxba hadoodili jirin. Makarafoonkaana
la daba istaagi jiray warbixin tafatiran oo xaqiiqda ku qotonta ama
halaga naxo ama halagu farxee sida Aduunkii Dhabarkuu inoo soo jeediyay,
Masaladaasi Dhabarka cilmi balaadhan baa ku jira, wucuu uga gol lahaa isku tashada. walina lama fahmin masaladaa. Ictiraaf la’aan baan noolaan karnaa waayo waxa uu aamin sanaa in qaacido hadda la aasay oo ah Dunidu ha inoo baahato, oo uu in badan ku celceliyay, sida taiwaan oo kale, dano aan abuurno la inoogu soo istaago.
Maalintaa haddalkiisa waxa kamid ahaa ninkan Clinton waa nin dumar
jecel oo meel walba dumar buu dhigtay. isago dibaaqaya fadeexadii
Maxadaxwaynihii maraykanka kaga timid gabadhii Monica Lewinisky. Oo
barigaa fadeexadi dul hogatay. in shukaansi xadkiisa dhaafsiisan dhex
maray, lagu eedeeyay ilaa uu xilka waayi gaadhay, ahaydna qadiyad caana
oo galafan gaadhay Clinton. Sidaa daraadeed isagoo gabadhan kale ka
yar boodsan buu yidhi Clinton meel kasta gabadh buu dhigtay.
Hadalkaasi oo kaabaya Ka claahi Maxmed ducaale wasiirkii hore ee
Arrimaha dibada Somaaliland mar uu ka sheekaynayay han waymaantii iyo
kalsoonidii Cigaal. In fadhigaa uu ka kacay oo aanu maslaxnay in uu sii
fadhiyo. …..Haddi Rabbi Swt. Q/3aad baa xigi.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!