Kana Siib Kana Saar Baa Ka Dhacday ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday August 24, 2019 - 15:14:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kana Siib Kana Saar Baa Ka Dhacday ( Abdi-Shotaly).

    Illaah ifka intuu joogo Caafimaad iyo cimri dheer, nabad-gelyo hasiiyo'e, Akkhirana markuu tago rabbi Janadda-Fardawsa ha ka waraabiyo'e,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illaah ifka intuu joogo Caafimaad iyo cimri dheer, nabad-gelyo hasiiyo'e, Akkhirana markuu tago rabbi Janadda-Fardawsa ha ka waraabiyo'e,
Madax-weynihii Udub ee Mudane Daahir Riyaale Kaahin, ee sidda nadiifta ah ugu fadhiistay kursiga, ugana daadegay, dad-kuna uu u wadda sinaa, baa markuu xilka ku wareeji-naayey Kulmiye kula dar-daarmay Madax-weyne Siilaayo" Dal iyo dad wadda socdda baan gacanta kaa saaray Saaka", wuxu ahaa ninkii soo gacan geliyey Gobolka Sool ee ka saaray Puntland, umaduna ay nabad iyo walaalnimo ku wadda ceeshaysay, si cadaalad ahna wax ugu qaybin jirey, Waxa Somaliya lagu sheego-na, si wacan ugu googooyey, Wadaad ku sheeggii ina Cabdille Xasan, baa markuu Berbera ka cararaayey ee naftu qabtay yidhi " Caamir waa saleelee anaa haatan caymadiye" Intii Siilaanyo bed qabay ( Illaah caafimaad ha siiyo'e) dalku wuu is reaac-sanaa, oo meel buu u wadad jeeday, inkasta oo ay jireen cabashooyin hoose,  aan ku soo dhawaado'e akhristaw maxaa taagan saaka, sawtan noqontay " Kana Siib kana saar" ee Calankii Somaliland hadh cad laga furay, ee waliba la gubay, cadceedoo hadh ah Badhan. Intay Janeral Caare Ku meeraysa-naysay iyo Sacad yoonis Masaajidadda ka dumi, ee jeegaan iyo maamul-koodu dsagaal hoosta kaga wadeen, baa iyakii guudka laga qabsaday.

 

Hees ay qaadi jirtey (Ihun)  Magool, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Allaha-yaw dal ma aqaan, allaha-yaw dad ma aqaan, qori daad wataan ahaye, dawyo hayga raaridin" Maanta bay taagan tahay, oo somaliland jar walba iska tuurtey, noqotay " Canfareey firirig" iyo tusbax go'ay, oo puntland 95% ay gobolkii Sanaag si wanaagsan uga talisaa, shalay baa yar iyo weyn laga dareeray maamulkii askarta, oo ay gebi haan-ba toos ugu wareegtay maamulka Majeerteenka ee Garoowe, marka laga reebo Ceel-af-weyn iyo gar-adag iyo tuulooyin soo raaca. Hadaba Maah-maah baa waxay ahayd " Nin daad qaatay xumbo cuskaye" Tii Somaliland la odhan jirey beri hore, waa su'aale xagay ka jirtaa maanta, Ma Wajaale iyo Gebiley oo qudha, maqal iyo muuqaal mid-na lama hayo'e.  Muwaadin saw umay dhamayn askartan ah " Lax dhukani abaar moog", ma cas-casa weli, ee iyana Laas-caanood ma toostay, ma dheera goorta ay bedelayaan Calanka Hargaysa ka sudhan " Guriga Xaafad-tooyadda" sidda Badhan ka dhacday shalay, Buuhoodle hore bay uga dhaqaajisay maamulka Hargayesa markii ay xukunka boobeen " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo ka iska daba-raq-raq leh siddii lax oslaysa, ee loogu yeedo Geenyo Shaaximan". Samaroon iyo gobolka Awdal iyana Shir bay bishan soo socota ku leeyihiin "Kiilka Shanaad", oo aykaga wadda halayaan, siddii ay uga tashan lahaayeen, ama ay uga gacan taagan lahaayeen, haragan madhan ee Somaliland loogu yeedho. Hargeysa way guuxaysaa, Ciisana Jabuuti buu isugu shubtay, oo waxay tahay hadda Somaliland Xero dameeraad, oo ay Saalo ka buuxdo.

 

 Kuwii sheega-naayey wax aanay ahayn ee magaca Mujaahid ceebeystay, kuna shaqaysan jirey, Hadaba ha ka soo saareen waa taas Futo Dameer gashaye. Waxan ku soo xidhay Maqaalkan, odhaah baa ahayd " Qab-qab-laysaye qabaalka ha jebin" haday qarka iska xoortay, oo daba la qabto ay la'yihiin askartii iyo macaan-jeceshii daba leefi jirtey, Labaddii askarina ilayn wax kale looma tegin Xaramka'e, waa kuwa la soo heshiiyey, Wasiiraddii Maaliyadda iyo Arimaha Debedda ee Somaliya, iyaka oo ka codsaday in ay dhex-dhexaadi-yaan Ka Mareexaan ee loogu yeedho Farmaajo. Haday la qaylinaysaa " Yaa Isaaqaqy" Magacaas oo ay iyaku ( Waa askarta'e) ay u dhameeyeen, dad-na isugu soo horeeyeen, mid-ba meel u dhaqaaqay, oo hadda mid-mid bixinayaa aanu jirin, khiyaaligii la isku maaweelin jirey ee ahaa "isaaq" wax-ba kama jiraan, ee xaalku waa " Allaw rey iyo allaw roonaa" maxay cid kale iska celisaa iyaddii baa birta iska aslaysee" Intii beelo gaar ah, dhul boobka iyo tuugadda hantidda ummadda" lagu jeeday baa fidh-fidhka loo gooyey, markii waar ka daaya looga taag waayey, sidaas kuma dhaqantee, oo ku soo noqdda wixii loo dhisay, ee ay ku dambaysay annaa ciidan haysta, oo waxaan doono samayn kara, waa taas lagu kala dareeray, ee haad iyo habaqle-ba u jabtay, ee ha ka maaleen, kuwii sheegadda beelaysan ku qarin jirey Somaliland Bba la duminayaa.

* N.B Ha Is Raacdo Diidaye, Ha Is Raabsatee Daa"

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...