Maansadii, Maalinta Jimce,Halabuur Qoraa Xamse Riiraash.

0
Saturday August 24, 2019 - 09:22:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansadii, Maalinta Jimce,Halabuur Qoraa Xamse Riiraash.

    Maansadani waa maanso aan u tiriyay maalinta jumca ah iyadoo sifaynaysa jimcaha iyo xaga ay dadka muslimiinta u taagantahay akhris .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadani waa maanso aan u tiriyay maalinta jumca ah iyadoo sifaynaysa jimcaha iyo xaga ay dadka muslimiinta u taagantahay akhris .

Jumcuhu ayaan weeyi,
Muslimiinta oo idil,
gaar ugu ahaatoo,
aroor weeyi fasaxoo,
Acmaashii aduunkiyo,

Hawlihii u gaarkaa,
Intooda badani,
amintaasi ka nastaan,
ma aadana meel kalee,
Markay gaadho adinkee
Eedaankuna dhawaaqaa,
masaajidada ilaahiyo,
U kacaan xaggeedee,
Axaadiista badadidee,
Akhriyaan imaamyadeey
Aayar maqlaanoo,
Qun yar ay dhegeystaan,
Si walbay ahaatiyo
Xag walbood ka eegtaa,
Iideenii weeyoo,
Saligii udgoonkiyo,
amaantii ilaahay,
Aayar ugu dhawaaqoo
Mar qudhaata uun dhaha,
Allaahu akbar.

hamse riiraash

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...