Hirroo Farmaajo, Hambalyo Axmed Madoobe

0
Saturday August 24, 2019 - 09:17:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirroo Farmaajo, Hambalyo Axmed Madoobe

    Soomaaliya waxa si farxad iyo qiiro leh loogu soo dhaweeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya waxa si farxad iyo qiiro leh loogu soo dhaweeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo.
Sidii uu ku ballan qaaday waxa laga sugayay in uu la yimaaddo siyaasaddii iyo Istaraatijiyad Militari oo lagaga adkaado xarakada Al-shabaab muddo laba sannadood gudahood ah, waxa la sugayay in laga gudbo marxaladda doorashooyinka dadban iyo saami qaybsiga 4.5 oo dalka laga diyaariyo jawi lagu qaban karo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah sanadka 2020.


Waxa laga filayay in uu mudnaanta siin doono dhismaha ciidamada Qaranka si ay ciidamada AMISOM ugala wareegaan amniga iyo xasilinta dalka. Dawladaha daneeya arrimaha Soomaalida iyaguna waxay rajaynayeen in uu sida ugu dhakhsaha badan wada hadal wax ku-ool ah oo midho dhal ah la furi doono JSL.


Maaddaama Soomaaliya loo dooray nidaamka Federalism-ka waxa xukuumadda Farmaajo iyo Khayre looga fadhiyay dejinta siyaasaddii lagu gardaadin lahaa ama lagu dhiiri gelin lahaa maamul gobolleedyada. Haddaba inkasta oo beesha caalamku is-garab taagtay dhaqaale badana ugu deeqday dib u soo noolaynta dawladnimadii Soomaaliya madaxdii loo riyaaqay waxba kama ay bedelin xaaladihii amni darro iyo fawdadii dalku ku jiray.


Madaxweyne Farmaajo muddadii uu xilka hayay oo dhan wuxuu masuuliyadahaa kaga mashquulay oo wakhti badani kaga lumay dagaallada uu kula jiray maamul gobolleedyada dalka isaga oo u adeegsanaya dhaqaalihii beesha caalamku ku caawisay Soomaaliya oo qaybo ka mid ah loogu talo galay adkaynta Amniga iyo horumarinta maamul gobolleedyada.


Muddo sanad ah dagaalku wuxuu ku socday maamul gobolleedka Jubaland oo markii madaxweyne Axmed Madoobe wax qadarin ah iyo wixii uu gobolkiisu xaq ugu lahaa ka waayay dawladda Federaalka ah isaguna ka gaabsaday in uu wada shaqayn buuxda la yeesho xukuumadda Farmaajo; muxuu se ugu hanqal taagaya in uu xukumo Kismaayo iyada oo la ogyahay in xarakada Al-shabaab cashuurta ka qaaddo suuqa Bakaaraha iyo dekedda Xamar.


Sidaas oo kale si la mid ah wuxuu lacago malaayiin dollar ah ku bixiyay sidii xasarado iyo xasillooni darro looga abuuri lahaa Jamhuuriyadda Somaliland.


Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Farmaajo weerarkii ugu cuslaa wuxuu la beegsaday doorashada madaxtinimada Jubaland isaga oo isticmaalaya tab kasta oo suurto gal ah xoog iyo xeelad ba si aanu Axmed Madoobe ugu soo bixin doorashada xattaa qaar ka mid ah dawladaha jaarka ah wuxuu ka codsaday faro gelinta hannaanka doorashadu u socoto, sidaas oo kale wuxuu isku dayay in uu taageero ka helo qaybo ka mid ah ciidamada AMISOM laakiin, dhammaan shirqoolladaasi way fashilmeen doorashadiina sidii uu doonayay Farmaajo umay dhicin, waxa ku guulaystay Mudane Axmed Maxamed Islaam.


Hirroo Farmaajo, Hambalyo Axmed Madoobe

 

Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...