Waa Kuma Duqa Cusub Ee Loo Magacaabay Magaalada Muqdisho?

0
Friday August 23, 2019 - 11:47:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Duqa Cusub Ee Loo Magacaabay Magaalada Muqdisho?

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyaha cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir u magaacaabay, Cumar Maxamuud Maxamed oo horey uga mid ahaa qabqablayaashii dagaal iyo wasiir soo noqday.

 

Magacaabidda Cumar Maxamuud Maxamed oo loo yaqaano "Filish” ayaa imaaneysaa xilli dhawaan uu dhawaacii kasoo qaraxii lala beegsaday xarunta gobolka Banaadir uu u geeriyooday duqii hore magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow).

 

Cumar Filish waxaa uu kamid ahaa dagaal oogayaashii ka arrimin jiray magaalada Muqdisho ilaa uu ka noqdo wasiirkii arrimaha diinta ee dowladdii kumeel gaarka aheyd sannadkii 2004-tii, waxaa uu xilka ka degay sannadkii 2009-kii.

 

Raadiyaha dowladda oo soo xiganeyso madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay Cumar Filish inuu yahay nin khibrad leh oo xilal kala duwan soo qabtay isla markaasna u qalmo inuu hoggaanka u qabta maamulka gobolka Banaadir.

 

BBC


Loading...
Loading...