Dhaqaalaha Islaamka: Jawaabta Kaliya Ee Dunidu Haysato Qarnigan.
Dhibaatooyinka dhaqaale ee hadda dunida ka jiraa waxay umuuqdaan inaanay xalkeeda haynin dugsiyadii kala duwanaa ee aragtiyaha dhaqaale ay ka yimaadeen ( schools of Economic thoughts), balse dhaqaalaha islaamka ayaad ka dhex arki kartaa balan-qaadyo rasmi ah oo ku saabsan xallinta dhibaatooyinka dhaqaale ee mustaqbalka.
Dhaqaalaha islaamku waa fikrad jirtay xilliyo hore balse aad moodid inuu dunidda aan muslimka ahayn uu ula muuqdo fikrad cusub oo kaba fiican afkaartii dhaqaale ee kala danbaysay ee ay soo saareen dhaqaalayahanadoodii.
Waxa iyana jira ilaa hadda jaamacado ka badan 30 oo bixiya heerarka waxbarasho ee kala duwan ee degree ilaa PHD, sidoo kale waddamada reer galbeedka ardaydooda qaar ayaa buugga qalin-jabintooda ku qora mawduucyo ku saabsan dhaqaalaha islaamka, isla wakhtigan ayuu dhaqaalaha islaamku marayaa marxalad xasaasi ah oo haddii aqoonyahanka islaamku ay ka hawlgalaan uu noqon karaa fikrada dhaqaale ee dhammaan dunida hogaamisa.
Bilyaneerka lagu magacaabo "Ray Dalio” oo leh shirkad bixisa maal-galinta lacagaha xaddigoodu badan yahay ayaa waxa uu sheegay inuu nidaamkii dhaqaale ee hanti-goosadku uu wakhti xaadirkan umuuqdo mid fashilmaya isla markaana uu kacdoon danbe oo dhaqaale imanayo.
Waxa iyana iska cad in kala saraynta dhaqaale ee dunidu ay wakhtigan aad usarayso, walibana uu yahay mid sannadba sanadka ka danbeeya sii kordhaya, islamarkaasna dhaqaalaha ku salaysan ribaddu aanu marnaba ahayn xalka saxda ah ee dunida ujihayn kara badhaadhe guud iyo koboc dhaqaale intaba.
Dhaqaalaha islaamka oo zako ahaan uqaada 2.5% xoolaha uu qofku leeyahay sannadkii ayaa hadda dunidu u aragtay inuu yahay xalka yarayn kara kala saraynta dhaqaale ee bulshada. Dhaqaalaha islaamka ayaa ah ruuxda kaliya ee wakhti xaadirkan soo noolayn karta dhaqaalaha dunida ee sii dhimanaya, waana ereyo aad ku arki kartid inay adeegsanayaan qoraayada ka hadla arimaha dhaqaaluhu, waxaana ay sidoo kale leeyihiin kaliya maaha xeerar islaamku isticmaalo ee waa xeerar ilaa wakhtiyadii Ibraahiim(CSW) la isticmaali jiray taas oo ay dhaafinayaan xilliyadii uu noolaa Nebbi Muxamed (NNKH). Balse islaam ahaan waxa aynu aaminsanahay in nidaamka dhaqaale ee islaamku uu la bilaabmay abuurkii dunida.
Islamarka aad sii dhagaysatid hadalada ragaas dunida saamaynta ku leh ay leeyihiin waxaad dareemaysaa in xitaa dhaqaalihii hanti-goosadka ee wakhtigan dunida hogaaminayay oo kaliya aanu hoos udhicine balse nidaamyadii diiniga ahaa ee taageersanaa dhaqaalaha ribada ku salaysan laftigooda uu ku imanayo hoos udhac. Qaar kamid ah hadaladii lagaga falceliyay hadalka kasoo yeedhay ninka bilyaneerka ah ee leh shirkadda maalgalinta ee magaciisa la yidhaahdo "Ray Dolio” ayaa udhignaa sida tan " Hadalka Mr Ray Dolio ee ah fashilka ku yimid nidaamkii hanti-goosadka (capitalism) waxa uu lamid yahay bob France oo ku dhawaaqay in ay ahayd majaro habaabin Mad-habtii kaatooliggu”.
Hadaladan kasoo yeedhay ganacsade Mr. Dolio waxa ay jahawareer galiyeen mawduucyo aan laga hadli jirin oo ku saabsan siiba dunida tujaarta ah ee ku horumartay nidaamkan hanti-goosadka ah, isaguna uu qayb ka ahaa dadka xaddigaas badan ee lacagta ah ku helay Ribada, waxaana ay cadayn buuxda u tahay in wakhigan laga siman yahay nidaamkan fashilka kusii dhaw.
Waa wax badanka dhaca in dadka dhaqaale ahaan hooseeyaa sida; darawalada, xammaaliinta, shaqaalaha iyo kuwa lamidka ahiba ay ka cawdaan nidaamkan dhaqaale ee hadda dunidu isticmaasho, balse waxa qariib ah inaad maqashid qof ku faaiday isla nidaamkan oo hadana dhibkiisa sheegaya.
Labada qodob ee ugu wayn ee fashilka nidaamkan
dhaqaale soo dadajiyay ayaa ah nidaamka Cashuuraha iyo waliba Ribada. Nidaamka
cashuuraha ee dunida waxa laga dharagsan yahay inuu badanka ku dul dhaco dadka
shacabka ah oo inta badan ganacsatadu waxay kaga cashuurta ku wareejiyaan xaga
shacabka oo badanka culaysku xagaas ayuu fuulaa waana sababaha keenaya inay
dadku xagga dhaqaalaha ku kala sareeyaan. Nidaamkan kale ee ribaduna waa hab ay
ku faaideen kaliya ganacsatadu balse dadka shacabka ah aan waxba kusoo celin.
Si loo helo dunida ku dhisan xushmad iyo in la
wada faa’ido kaliya waxa ay ku iman kartaa marka la helo deegaan ay dhex ku
yihiin dadka dabaqadda sare iyo dadka
kale ee bulshadu u badan tahay taasna kaliya waxa ay iman kartaa marka la
isticmaalo nidaamka zakada ku dhisan ee dhaqaalaha islaamka, zakaduna waa tiir
kamid ah tiirsarka islaamka.
Zakada islaamku wa nidaam fudud, la wada arki karo xoolaha uu qofku leeyahayna 2.5% laga qaadayo, Tusaale ahaan haddii hantida qofku ay tahay $10 trilyan waxa laga qaadayaa sannadkii lacag dhan $250 bilyan, isla lacagtaas oo dadka masaakiinta ah dib loogu celinayo waxaana ay meesha ka saaraysaa kala korka ku imanaya dabaqadaha kala duwan ee bulshada, waana nidaam cadaalad ah. Balse cashuurta iyo ribadu kaliya waxa ay sii laba-jibaaraan kala sarraynta bulshada.
Guntii iyo gunaanadkii dunidu hada waa ay ku baraarugsan tahay dhaqaalaha islaamku inuu yahay xalka kaliya ee ay dunidu haysato, balse aqoonyahanka islaamka ayaa laga rabaa in ay dunida ka dhaadhiciyaan.
W/Q: MUUSE CABDI
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!