Maansada Samir Diid

0
Friday August 23, 2019 - 11:09:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada Samir Diid

    3 / 8 / 19 Maansada samir diid Keene iyo kordhiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

3 / 8 / 19 Maansada samir diid Keene iyo kordhiye

Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib beryahan waynu aamusnay

Aduunkii oo dhamina isku mulaaqan bal ii waran.

Kordhiye. Saaxiib waaruntaa sabatuna waxa weeye mulaaqaa

Aad sheegtay markaad kala garan weydo cid aad wax tidhaa

Ee ay noqdaan dameer iyo labadii daan waad iska aamusaysaa

Sidaasaan ueegay markay qudbadaynayaan dabeedna waan

La yaabaa waa wasiir waa ku xugeen waa agaasime waa qaar

Ka wada sareeya.

Keene. Waxaad leeday qof qudha oo booska uu hayo uqalmaa majiro

Kordhiye. Haddaad garatay.

Immikana waa afartii

Maansada .( samirdiid )

Sadar keeda kuma soo degdego

Siinka iyo woowe

Runta kii sidaan odhanayaa

Siiya dgegi hiina

Samir diid ninkii sheegta oow

Saaxi maad tihide

Sunnihiyo  quraa,n kuba halkaa

Saare xoog badane

Qofka beladu ay sidatabaa

Mooda sahan weyne

Sifihii jinbaa lagu yaqaan

Kii sidaa fala,e

.

Sandulaha adaan  geyin haddaad

Xidhato suunkiisa

Sakal iyo wuxuu kula galaa

Meel wedkaa sida,e

Haka soomin oo yaan wanaag

Kula siloonaanin

Sirta dunidu yay kaa gedmane

Garo sallaankeeda

Magacaad sidiyo kala fogee

Hadal xunoo saydhma

Soo yaalku yuu kaa anbane

Hubi sedkaad leeday

.

Adigaan dhulkaba seexan Karin

Samada haw roorjn

Sumadiina geel aan lahayn

Yaad dhex socotaane

Sixunbuu ukala yaacayaa

Seegna xeradiiye

Silic iyo maryaad baa badeen

Soomkan laanta ahe

Inta suugu qaatee xornimo

Aawadeed socotay

Saakaba hadday nool yihiin

Sawjar wada guuray

Oo geesiyadi aanay socon

Sidan ma haateene

.

Sirqo iyo intii liidataa

Shaarub taw sudhane

Sunta iyo kolkii booba iyo

Sulubku qayraamay

Intii baqaha dibu siiqdayee

Aan sarmaba gaadhin

Ee haweenka baal socotaybaa

Saran yahay taaj

Haddii sadarkan ay raacaysee

Siigadiyo boodha

Sarkhaan nimadu ay wada tae e

Fiiro lagu seebin

.

Saabuulka anigoo qudhaa

Solaya ay haato

Meel aan la soo sooci Karin

Yay sibraa dhigane

Dibnahaa saraw taagan baa

Iman salkoodiiye

Sarahaa qurxoon yaa ahaan

Seeman baaba,ahe

Warhoo yaay sidaa aa waddaan

Waa iskeen siiye

Warhoo yaay sibraar badan ayaa

Hoosta laga saydhi

Warhooyaay sarkaal badan ayaa

Darajadii siibi

Warhooooooooooooooooooooooooya ay.

Guuleed liibaan. Snm1710@livecom


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...