Musuqa Iyo Halista Ku Xeeran

0
Friday August 23, 2019 - 11:04:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuqa Iyo Halista Ku Xeeran

    Musuqa erayga kolkiisa hore wuxu ka yimid(Corruption) luqadda Latiinka oo ahayd "Corruptie"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musuqa erayga kolkiisa hore wuxu ka yimid(Corruption) luqadda Latiinka oo ahayd "Corruptie"
waxa lagu macneeyaa Khiyaamo,cid lagu aaminay hanti umadeed ka dibna leexsatay oo uga faaiidaystay danhiisa shakhsi, ama khaaska ah.

Musuqu aad iyo aad ayuu u midabbo iyo noocyo badan yahay,mana laha yar yaraysi, ha ahaado Musuq wayn ama musuq yar,(petty corruption and Grand Corruption),waxa ka mid ah noocyada musuqa;-



Laaluush toos ah,lacag la bixid,qof ka oo la siiyo shaqo aanu u qlmin,eexda iyo qaraaba kiilka,mushaharka beenta ah sida caaglaha,qofka oo laba shaqo ka wada xaadira isagoo madaxa tusaya,waraqaha iibka oo la beddelo "Double price invoice”  shahaado aanu qofku lahayn oo lagu maamuuso,balan qaad shaqo ama qandaraas aan tar tan loo gelin, taageero caawimo oo la siiyo dadka aan u baahnayn,dhaman noocyadaas iyo kuwo kaloo badan ayaa ka buuxa.

 

Diinta Islaamku meel aad iyo aad u adag ayay iska taagtay Musuqa,waana cadaab abaalkiisu,qofka maaha inuu u abtiriyo musuqa iyo tuugada oo uu kala xigtaysto qofka uu yahay hanta-boobku,waa isku mid haddii uu walalkaa yahay iyo haddi aad is ledahay wuu kaa dheeryahay,waayo waxa uu xadayayaa ama lunsanayaa waa hantidaadii,sidaas darted waa khiyaamo naftaada ah inaad kala dhowaysato qof tuug ah oo danahaaga iyo horumarkaaga cunaya.


       MAXAA LAGA DHAXLAA MUSUQA

Sida ay caddeeyeen,daraasado badan oo la sameeyay wadammo badan,oo maanta dib loo dhisi kari waayay ayuu dumiyay,Musuq- maasuqu waxa ka mid ah;-

Somalia,South Sudan,Syria,Afghanistan,Yemen,Libiya, North korea,Venezuella,Eritrea,Chad,Repuplic of Congo, Simbabwe,Cambodia,Burundi,Haiti uma baahna sharaxaad waddamadaas siday yihiin xog ogaal ayaynu u nahay,


Waddamada musuqu ku yar yahay,waxa ka mid ah Dalalka Denmark,New Zealand,Sweden,Norway iyaguna sharaxad uma baahna,cashurtoodii iyo dhaqalohooda ayay farsamaysteen,caqli ayay isticmaaleen,Saystem koda iyo Nidamkooda ayay hagaajiyeen,waxay gaadheen heer noloshoodu hagaagto oo xattaa dhakhtarku aroortii albaabka ku garaaco,oo uu yidhaa sudeed tahay,waddamadan inta badan waa dalalka loo tahriibo ee nafta lagu biimeeyo sidii loo gaadhi lahaa,lkn xaqiiqdu waa dad woxoda farsamaystay.


Waxyabaha laga dhaxlo waxa ka mid ah Dib u dhac,Faqri,dhaqanka iyo nolosha oo xumaada,nacayb iyo cadaawad ayuu beeraa,wuxu meesha ka saaraa is aaminkii iyo kalsoonida,nabad gelyo darro ayuu dhaliyaa,waxa suurto gal ah inuu dumiyo qaranimada,

 

      SIDEE WAX LOOGA QABAN KARAA

 

Maaha musuqu wax cid ama hayad gaar ah farta lagu fiiqo,lkn waa aafo ku baahday waddamo badan oo Adduunka ah,waddamada uu la degay ishooda ayay ka muuqataa waddamada musuqa la dagaalamay waa waddamada nolosha loo raadsanayo ee badaha la isugu tuurayo,wax kale may samayn ww waxay cidhib tireen musuqa,haddaba tallaboyinkana ayaa muhiim ah in la qaado;-


1-Haddii uu geedku qallooc ku baxo mar keliya lama wada toosiyo,Waa in kolka hore wacyi gelin  la sameeyo oo loo sheego umadda waxa uu yahay musuqu,dhaqan ahan iyo diin ahaan,waa inuu umadda dhexdeeda ka noqdaa tuke canbaar leh,


2-Isla xisaabtan in la helo oo daba gal joogto ah lagu hayo dadka xoolaha umadda loo dhiibay,isla markaana sharcigu sarreeyo.

3-In cawaaqib la mariyo qofka lagu helo musuq,siiba waa in xagga moralka laga dilo,oo qalin cas laga mariyo shaqo danbe,file kiisana lagu qoro,waa in la saraa fadeexad loona aqoonsadaa tuug.

4-Waa in qofka la diwaan geliyaa Hantidiisa,inta aan shaqada loo dhiibin.


5-dadka balwada caadaystay ee la nool,waa in laga takooraa shaqoyinka,


6-Waa in qofka taariikhdiisa la baadhaa,sida uu bulshada ku dhex ahaa,inuu shaqooyin hore soo qabtay,imm


7-Ugu danbayn waa ciqaab adag la mariyaa dadka,ehelka u noqday Musuqa.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Rashiid Odowaa M.A.Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...