Dagaalkii Kismaayood Dhamaa, Qadarna Deyn Raacaye, Darteedu Ku Soobaxay Jubada, Daadahshii Hore

0
Friday August 23, 2019 - 10:57:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalkii Kismaayood Dhamaa, Qadarna Deyn Raacaye, Darteedu Ku Soobaxay Jubada, Daadahshii Hore

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-DAGAALKII KISMAAYO DHAMAA,QADARNA DEYN RAACAYE,

  DADKAY KALA JECLAYSTEEN MA OGA,INAY DAREEMEENE,

  DARTEEDBUU KU SOO BAXAY,JUBADA DAADAHSHII HORE,

  DABINKASTOOY MALEEGAAN,DUBAYBA KU DABA TAAGAN.

 

2-DADKAAD XAMAR KU LAYSA,KA BADAN DIRIRTI BAARLEEFE,

   DOOLARKAAGU WAA SUNE,HADDAADAN DEYSAN KARAHAYN,

   DABAAD OLOLISAANUUN KU BAXO,DEEQDII LUGU SIIYEY,

   DUL BADANAA ILAAHAY (SWT) KUWAASU TAAJIYA WELI.

 

3-DOQOMIYO DAR LIITAY HELEEN,OON DAMQANA HAYNIN,

    DALALKA BAAHNA BAY IIBSADAN,DAMAC HALAAGOODA,

    DAWLADAA CADAANKA AH,WAY DABA NASHLEEYAANE,

    DAAYINA WUU ARKAAYO,DHAWAAN WAY KU SOO DUMI.

 

4-DADKA MADOOW WAXAY MOODAYAN,DUUNYO XOOLO AH,

   JUBALAAN KA DUUSHO,CADAWGII DACARNA LEEFSIISAY,

   DUMINTI GALMUDUGBAY,HADDEER WELI DULJOOGAAN.

                      ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...