Heshiisyo Uu Madaxweynaha Somaliland La Gaadhay Imaaraadka Oo La Shaaciyey

0
Friday March 15, 2019 - 22:59:09 in News by
  • Visits: 7140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiisyo Uu Madaxweynaha Somaliland La Gaadhay Imaaraadka Oo La Shaaciyey

    Heshiisyo Uu Madaxweynaha Somaliland La Gaadhay Imaaraadka Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiisyo Uu Madaxweynaha Somaliland La Gaadhay Imaaraadka Oo La Shaaciyey

 

Hargeysa(HWN):-Dawlada Imaaraadka ayaa qorshaynaysa inay dib u soo celiso madaarkii magaalada Berbera si ay ugu soo degaan diyaaradaha waa wayn ee sida rakaabka iyo xamuulka.



Talaabadan ay dawlada imaaraadku qaadayso ayaa qayb ka ahayd heshiis ay wada gaadheen somaliland ka dib booqasho lix cisho qaadatay oo madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminayaa ku tageen wadankaasi.



Sida ay qortay mareegta busiweek.com madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa wadda hadal la yeeshay ku xigeenka raysal wasaaraha imaaraadka sheekh Mansour Bin Zayed Al-Nahyan isla markaana ah wasiirka madaxtooyada kaas oo heshiisyada ay isla gaadheen ay ku jirto in dawlada imaaraadku ay maalgalin ku samayso dhismaha warshad awood leh oo korontada siisa magaalada Berbera.


Sidoo kale waxay labada dhinac ku heshiiyeen in dib loo kiciyo warshadii sibidhka ee somaliland taas oo taageero ka helaysa wadankan saliida qaniga ku ah ee ku yaala bariga dhexe.


Garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera ayaa ah mid u muhiima dawlada imaaraadka iyaga oo ka samaysanaya saldhig milatari isla markaana maalgelin ku samaynaya dekeda magaaladaasi oo haatan ay ka socoto balaadhin laga wado.


Dib u soo celinta garoonkii diyaaradaha ee magaalada Berbera ayaa keeni doonta inay ka soo dagaan diyaaradaha waa weyn ee sida rakaabka iyo xamuulka.


Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaan si faah faahsan aan u soo bandhigin natiijada ka soo baxday wada hadaladii uu la qaatay masuuliyiinta wadanka imaaraadka carabta.


Halkan Guji Si Aad U Sii Akhrisato Warbixintan.

Loading...
Loading...