Jawaab Ku Haboon Aragtida Hoos Ku Qoran!

0
Thursday August 22, 2019 - 15:48:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaab Ku Haboon Aragtida Hoos Ku Qoran!

    Ajnabi waxa uu muhiim noqdaa marka Soomaali is haysa uu midkood cudud ka dhigto quwad shisheeye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ajnabi waxa uu muhiim noqdaa marka Soomaali is haysa uu midkood cudud ka dhigto quwad shisheeye,

oo danteeda ilaashaneysa, asaga oo dabcan wax uga beddelanaya.




Midka kalena uu helo dal, isaga oo dantiisa ilaashanaya, diyaar u ah in uu ka daafaco dhinaca ay is hayaan.



Taas oo wiiqeysa Qarannimada Soomaaliya. Markaa iigu kaadi ajnebiga oo ragaadka nagu fogeyn kara laakiin aan na muquunin kari doonin.



Marka aad si deggan u qiimeyso sida ay Dowladdu ula dhaqantay Dowlad Goboleed kasta oo ay gacanteedu gaarto, ma jirtaa cid ay eersan karto mise iyadaa kobtatadan is dhigtay?


Waxa Qoray Yuusuf Garaad



 faalo gaaban oo la xidhiidha qoraalkan yusuf garaad:

Waxaa aan is lee yahay Mudane Yusuf Garaad waa garanayaa xaalada Somalida konfureed iyo siyaasadeed balse wuxuu diidan yahay in uu runta ka sheego xaqiiqada dhabta ah ee ka Jirta Somalidii Talyaanigu gumeysaney iyo dawlada federalka somaliya oo runtii ah Jamhuuriyada federalka ah ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne farmaajano loo aqoon san yahay Duqa magaalada Muqdisho.


Sidaa darteed Yusuf Garaad kol hadii dawlada federalka ahi gobolkeedii maamuleyso oo aan cidina ku haysan,oo ay magacaabeyso gudoomiyayaashii degmooyinka,taliyayaashii iyo garsoorayaashii gobolka banaadir sidee ayey isku dhigtey halkaa aad sheegeysid, ma waxaad aaminsan tahay in Duqa magaalada Muqdisho uu ka talin karo gobol kale oo aanu xukumi Karin kol hadii aanu xidhiidh wanaagsani ka dhaxay gobolkaa sida Jubaland waayo waa laba gobol loo siman.


Beesha Caalamkuna kaalinteeda ayey ka qaadaneysaa waayo marka laba dal is qabtaan dalalka saaxiibka la ah baa lakala safta oo taasi waa caadi,ee wax kale ma aha yusufow Somaliya koonfureed  waxaa halkaa dhigey waa beenta ay ku maaweelinayaan siyaasiintoodu ee waxaa muhiima in runta la wajaho federalka muqdisho dib loo habeeyo dib u hashiisiina dadkiina u sameysaan dib loo eego dawlad goboleed yada Puntland lagu soo dabaalo qaabka dawlada federalka ah oo aad moodid in ay ka madax banaan tahay. Labadii gobo lee Somaliyeed ee midowbey 1 July 1960 kii is aqoonsadaan oo horta qolo walba dhankeeda iskula xisaabtanto.


Somaliland waa dhisan tahaye dhibka ka deysaan,xoog,caqli iyo xoolona iskugu geysaan Somalidii Konfureed oo dad iyo dalba dhistaan. Ka dib marka aad hal dal ooh al talo ka godo u soo diyaar garoba wada hadalka Somaliland iyo wixii la kala yeelayo oo ku saleysan run,daacad,walaaltinimo iyo kala tedegid hadii ay dadku sidaa doortaan.

Waad mahadsantihiin Dhamaantiin

M J Farah


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...