Wadda Hadal Khadka Telefanka Ku Dhexmaray Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Maraykanka
Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa khadka telefanka wadda hadal kula yeeshay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.
War ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ay isla soo qaadeen tacsida ay la wadaagayaan dadka, qoysaska iyo wadamada ay ka soo jeedeen dhamaan dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay wadanka Itoobiya.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu amaanay duulimaadyada shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline isaga oo xusay in shirkadaasi ay tahay hay’ad xoogan waxaanu cadeeyey in wadankiisu diyaar u yahay bixinta wixii taageero farsamo ah ee loo baahdo.
Warka ayaa intaas ku daray in madaxweyne Donald Trump uu muujiyey taageerada uu u hayo isbadalada mudooyinkii ugu dambeeyey ka socda wadanka Itoobiya.
Labada hogaamiye ee Itoobiya iyo Maraykanka ayaa wada hadalka ay khadka telefanka ku yeesheen waxay iskula garteen xoojinta xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.