Soomaliland Oo Kenya Ku Hambalyeysay Guusha Ay Ka Gaadhay Kursigii Golaha Amaanka Ee Ay Ka Horqaaday Jabuuti
Soomaliland Oo Kenya Ku Hambalyeysay Guusha Ay Ka Gaadhay Kursigii Golaha Amaanka Ee Ay Ka Horqaaday Jabuuti
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa hambalyeysay guul ay dawlada Kenya ka gaadhay kursi ka tirsan golaha amaanka ee qaramada midoobay oo ay kaga guulaysatay Jabuuti.
Safiirka somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in dawlada Kenya uu ku hambalyeynayo in midawga Afrika u doorteen inay ku matasho kursiga wareega ee golaha amaanka qaramada midoobay, kaas oo ay ka horqaaday dalka Jabuuti.
Fariinta uu Amb Baashe Cawil baahiyey ayaa u dhignayd sidan "Waxaan hambalyeenaynaa Dawlada Kenya oo ku guulaystay taageeradii Afircan Union ee kursiga wareega ee UN Security Council ka”
Loading...
Loading...